Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxweyne Hassan Sheikh oo ku sugan Copenhagen shir hor dhac ah oo hay’adda qaxootiga dalkaasi si gaar u soo agaasintay ka qayb galay, muxuu sheegay?

$
0
0

City, SøerneAwdalpress – Copenhagen – Dawladda Denmark ayaa baajisay shir ku talagalkiisu ahaa in ay casuumaan 300 oo Somali ah, laakiin waxa ka biyo diiday rag odayaal ah oo ay dawladda Denmark kala talashatay. Kadibna dawladda Denmark waxa ay qurba jooggii ay la tashatay u sheegtay in ay tahay markii ugu horreysey ee ay dawlad Afrika ah ama beesha caalamka ah u gogoshay shir meeqaamkan leh, waxana ay gaba gabadii u soo ban dhigtay haddii ay xal kale hayaan in ay ka soo tashadaan. Markii ay odayadii codsadeen in la kordhiyo martida oo la gaadhsiiyo 3000 oo qof , haddii kale in aanay ka soo qayb galayn, ayey dawladda Denmark baajisay shirkaa, waxana shirkii oo lagu soo casuumay dad intii ka tiro yar qabtay hay’ad u qaabilsan qaxootiga, waxana uu qabsoomay maalintii shalay.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud oo ku sugan magaalada Copenhegan ee caasimadda dalka Denmark kana qayb galay shirkaasi, ayaa u sheegay xubnaha Beesha Caalamka ee ka qaybgalaya shirka Somalia loo qabanayo oo maanta furmi doona in Soomaaliya aysan ku sii jiri karin curyaannimo.

Xasan Sheekh ayaa hadalkiisa ku daray in dowladda uu hoggaamiyo ay doonayso inay xaqiijiso qorshaha Hiigsiga cusub ee Somalia, kaasoo ah mid ay gacan ka geysanayaan dalalka deeqaha bixiya, ujeeddadiisuna tahay dib u dhiska Somalia iyo horumarinteeda.

“Somalia kuma sii jiri karto marxaladda curyaannimada ah ee ay sannadaha badan kusoo jirtay,” ayuu yiri Xasan Sheekh oo intaas ku daray in caalamku ay ka doonayaan inay ku siiyaan gacan sidii ay dowladda federaalku uga saari lahayd dalka xaaladda uu xilligan ku sugan yahay.

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku daray inay ka go’an tahay inay Soomaaliya doorasho ka dhacdo marka la gaaro sannadka 2016-ka, si dadweynuhu u soo doortaan ciddii hoggaamin lahayd, isgaoo rajo wanaagsan ka muujiyay in himiladaas ay dhaboobi doonto.

Xasan Sheekh marna kuma soo qaadin hadalkiisa khilaafka ra’iisul wasaaraha Somalia kala dhexeeya, kaasoo saameyn xooggan ku yeeshay golayaasha baarlamaanka iyo wasiirrada, inkastoo lagu wado in lagu soo qaado shirka Copenhagen ka furmaya.

Shirka Copenhagen ayaa waaxaa ka qayb-galaya ergooyin ka socda dalalka deeqaha bixiya si loo caawiyo Somalia, waxaa kaloo ka qayb-galaya dalalka ay ciidamada AMISOM kaga sugan yihiin Soomaaliya, si ay shirka ugu soo bandhigaan horumarrada ay ciidamaoodu ka sameeyeen Somalia sannadihii ugu dambeeyay.

Maamulka Somaliland ayaa horay u diiday ka qaybgalka shirkan iyagoo uga dhigay sabab inuu yahay mid looga hadlayo dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, uuna yahay mid aan iyaga quseyn.

Ergooyin ka socda ururrada caalamiga ah, sida Qaramada Midoobay, Midowga Afirka, kan Yurub iyo kuwo kale ayaa iyaguna ka qaybgalaya shirka, iyadoo xubnaha uga qaybgalaya uu ka mid yahay Nicholas Kay oo ah ergayga QM ee arrimaha Soomaaliya.

Shirka Copenhagen oo socon doona laba maalmood ayaa inta uu socdo lagu saari doonaa diiradda Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya iyo aragtida sannadka 2016-ka oo la doonayo in Somalia ay ka dhacdo doorasho, waxaa kaloo laga hadli doonaa sidii uu calaamku qayb uga qaadan lahaa dib u dhiska Somalia oo ku soo jirtay muddo ka badan 23-sano.

Arrintu si kastaba ha ahaatee, shirkan ayaa kusoo aadaya xilli uu jiro khilaaf siyaasadeed sii xoogeysanaya oo ka dhex oogan madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaarihiisa C/weli Sh. Axmed, kaasoo hay’adaha ku yeeshay saameyn hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles