Arar
Edeggu waa qayb ka mid ah xerada xoolaha, waxana si gooni ah loogu xidhaa maqasha si looga ilaaliyo inay irmaanka isku baxsadaan deedna lagu caano beelo halkaasna ay ku qadaan labada caananuug oo kala ah carruurta iyo cirroolaha. Sida caadiga ah, Soomaalidu waxay Carro Edeg u taqaanna dhul fog, go’doon ah, dhibaato badan, dhaqankiisuna gurracan yahay.
Cuudkuba dharaar buu jiilaal caddaadiga afka caws la waaya
Aniguna cir ii da’ay markii aan cab idhi sow ceeryaamo muu noqon
Kii aan calmadayee Carro Edeg u doonta ii mariyay ceebtaa!
Ereyadii Muuse Cali Faruur; codkii Sahra Axmed.
Sida ay u bilowdeen dagaalladii sokeeye, magaalo madaxdii ummadda Soomaaliyeed ee shacbigu ku maalgeliyay hantidoodii oo dhan ayaa noqotay Carro Edeg. Xudduntii dalka Soomaaliyeed ee lagu soo hiran jiray waxay isku beddeshay kayn bahalo galeen ah; meel mudanaha iyo maatada lagu dooxo; waxay ku caan baxday xarun ay ka unkanto dibindaabyada ay ka hanaqaadi wayday qarannimadii ummadda Soomaaliyeed.
Inkastoo tilmaamahaas kor ku xusani ay leeyihiin argagax haddana waligeed sidaas ma ahaan jirin. Waxa lagu yaqaannay dhaqan loo hiloobo oo leh kala dambayn hufan. Waxana tusaale u ah magacyo dhawra oo aan ka soo qaadan doona tusmada wanaagsan ee ay arrin mariyeen xilli ay taagnayd aafo iyo aano bulsho, oo la mid ah tan maanta taagan oo kale, anigoo si gaar ah uu bidhaamin doona saddex qof oo qaali ahi kaalintii mid waliba ka qaatay iyo sida xeesha dheer leh ee ay isha ugu hayeen danta qaranaka iyo isku keenidda bulshada.
Dhaqanka suubbani wuxuu lama huraan u yahay ummad kasta oo higsanaysa inay helaan nolol xasillan iyo horumar dhinac walba leh. Sidaas darteed, qoraalkani wuxuu ka faaloonayaa isbeddelka dhaqan ee ku dhacay dadka deggan xudduntii Soomaaliya ama Xamar iyo hareeraheeda oo falka iyo fikirka maanta ka hanaqaaday uu ka dhigay meeshii Soomaalidu u taqaannay Carro Edeg – lama galaan, looma guuraan – meel ay beentu run tahay, runtuna been tahay; meel xaqu baadil yahay, baadilkuna xaq yahay; meel xaaraantu xalaal tahay, xalaashuna xaaraan tahay!
Qoraalkan waxan uga dan leehay inay ka dhalato dood caafimaad qabta, isbeddel ku salaysan fikir wacan oo lagu hanto in la gaadho bal sidii Carro Edeg loogu soo dabbaali lahaa dhaqan ka duwan kan dhawaanta ku fiday ee loo aanaynayo in Soomaalidii kale ay dartiis u curyaantay iyo in la soo celiyo dhaqankii quruxda badnaa ee dhulkaasi lahaa intii aanu Carro Edeg u xuub siiban.
Hordhac
Dhaqanku waa hab-nololeedka gaarka ah ee bulsho leedahay kagana duwan tahay ummadaha kale. Dhaqanku wuxuu ka kooban yahay toddoba tiir oo kala ah: qaab-dhismeedka bulshada, farshaxanka iyo suugaanta, caadooyinka iyo hiddaha, afka ama luqadda, diinta, maamulka iyo habka dhaqaalaha. Dhaqanku wuxuu cabbiraa tayada nolosha ummadda, waxana dhaqanka lagu cabbiraa koritaanka bulshada, firfircoonideeda ama qaabka ay iskula jaan qaaddo si ay u xalliso dhibaatooyinka ummaddaas ka horyimaada. Dhaqanka hirgelintiisa, ilaalintiisa iyo xoojintiisaba waxa saldhig u ahaa oday dhaqameedka Soomaalida oo hubin jiray in aan magaca reerkoodu noqon mid lumiya sharafta iyo karaamada uu huwan yahay.
Ummadda Soomaaliyeedna waxay leedahay dhaqan suubban oo sharka ka hortaga. Waxa mudan in si gooni ah loo eego odayada beelaha Soomaalida oo asal ahaan loogu yeedhi jiray “Nabad-Doon”. Taasina waxay marag ka tahay qiimaha ma-guuraanka ah ee nabaddu ay ku lahayd dhaqanka Soomaalida, ilaa haddana ay dhulka Soomaaliyeed intiisa badanba ku leedahay. Nabaddoonku wuxuu ururiyaa xeerka ay la wadaagaan bulshooyinka iyo beelaha ay dariska yihiin. Waa diiwaan loogu yimaado wixii wanaag iyo kalgacal ahaa ee tolkiis iyo beelaha kale hore u soo dhex maray. Ujeeddada falsafadeed ee nabaddoonku waa inu madasha gartu ka dhacayso dadka fadhiya madaxooda ka buuxiyo wanaaggii barisamaadka ee ka horreeyay ibtilada maanta dhextaala tolkii iyo beesha kale, deedna tiigsado xeerkii hore amaba mid cusub hindiso. Odayga nabaddu wuxuuu goor walba ka garaaba oo maraggeeda furaa wixii aano ah ee reerkiisu galay, sidii lagu daawayn lahaana fikirkeeda ayuu meesha ka sheegaa. Goobta ay isugu yimaadaan odayada nabaddu waxa lagu yaqaannaa in lagu go’aamiyo xal waara.
Iyadoo taasi jirto ayaa haddana isla dhaqanka Soomaalida waxa ku jira oday ku caan baxa in ciddiisu ay awood siiso maalinta aan shar mooyaane khayr la raadinayn. Odayadaas waxa loo yaqaan ‘Odayga Gar Cadaawe’. Odayada gar cadaawe loogama baran inay nabad ka taliyaan, loogama baran in afkooda wax wanaagsani ka soo baxaan. Waa odayo ururiyaa aanooyinkii, gardarrooyinkii, falalkii xumaa ee abid cidda ay is hayaan ay ku samaysay. Waa oday loogu yimaado af xumo, been abuur, bakhti cunnimo iyo wax kasta oo ka fog sida lagu yaqaan odaynimada. Reer kastaaba wuxuu ku dadaala odayadas in laga ilaaliyo safka hore marka lala xaajoonayo reeraha kale, maxaa yeelay waxay ka cabsi qabaan inay nabadda ka tuuraan qar iyo qaw aan laga soo bixin karin.
Cunaqabataynta odayga gar cadaawe waxay sumad u tahay dhaqan fikirkiisu ku salaysan yahay horumar, xasillooni iyo xalaal maalnimo. Habase ahaatee waxa mararka qaarkood dhaca in la afgambiyo ciddii cunaqabatayn lahayd, halkaasna waxa ka hana qaada dhaqan gurracan oo u hiilinaya calool aan dhergayn, caqli aan xishoonayn iyo cimri aan rag iyo Rabbi midna garanayn, himiladiisuna tahay “maanta dhereg berri yeelkeede”.
Rag waa Raggii Hore Hadalna waa intuu Yidhi
Iimaan Cumar (AHUN) wuxuu ahaa Iimaannadii Abgaal mid ka mida. Wuxuu ka mid ahaa madaxda beelaha Soomaaliyeed ee ku sifoobay wax-garadnimada iyo caddaaladdaba. Waxa maalin u yimid nin ka soo jeeda beesha Galgale oo Abgaal dhex degta. Galgale wuxuu ka mid yahay qabiillada uu dhaqanku bahdilo ee Soomaalidu takoortay. Ninkaasi wuxuu ka dacwoonayay in ay niman Abgaal ahi si fool xun ula dhaqmeen isagoo jooga ceel xoolaha laga waraabiyo. Intoo la garaacay ayaa la xidhxidhay deedna xoolihiisii ceelka ka cabbayay ayaa laga eryay biyihii uu isagu darka ceelka ka buuxiyayna waxay nimankii ku waraabsadeen xoolihii ay wateen.
Iimaan Cumar ninkii ayuu u loogay dhawr maalmoodna wuxuu marti u ahaa Iimaanka. Markii uu Iimaanku ogaaday arrinta dhacday iyo nimankii falkaa geystay, wuxuu ku baaqay shirwayne Abgaal isagoo u yeedhay dhammaan oday dhaqameedyadii iyo waxgaradkiiba. Iimaan Cumar wuxuu keenay arrin lala yaabay iyo xeer cusub oo an Soomalidu hore u arag. Ka dib markuu xukumay raggii aanada geystay, wuxuu ku dhawaaqay xeerkan:
- Haddii nin Abgaal ahi dilo nin Galgale ah, ninka Abgaal waxa ku go’aysa inu bixiyo laba magood.
- Haddii nin Galgale ahi dilo nin Abgaal ah, hal mag oo kaliya ayaa Galgale ku go’aysa.
- Marka martiqaad iyo duco loo fadhiisto, furitaanka iyo fandhaalka ugu horreeya waxa ugu mudan inu bilaabo ninka Galgale ee munaasabaddaas jooga.
Dulucda xeerkani waa mid qoto dheer oo ka fog aragtida caadiga ah. Waxay ku salaysan tahay in beel laga itaal roon yahay aan dib dambe loogu tuman xaqa dadnimo ee ay leeyihiin. Si taasi u suurto gashana wuxuu Iimaanku (AHUN) go’aamiyay in beeshaas, oo Abgaal gun u haystay, laga dhigo beel gob ah. Wakhtigaa Iimaanku talinayay iyo wakhtiyadii ka horreeyayba gobanimada bulshadu waxay ku xidhnayd mudnaanta xeerka cidda ay ku dhex noolyihiin siiyo. Sidaas darteed ayuu Iimaanku go’aamiyay laba arrimood oo kala ah in magta ninka Galgale ay noqoto laba boqol oo halaad iyo in ninka Galgale noqdo qofka horta afka gelinaya ee bilaabaya sooryada ducada iyo martiqaadka.
Iimaanku awood buuxda ayuu u lahaa inu xeeriyo in Galgale dhulka ka guuro. Awood buu u lahaa inu go’aan adag oo tolkiis u hiilinaya qaato. Habase ahaatee wuxuu si buuxda u aqoonsaday in Galgaluhuna ay ka mid yihiin bulshada uu Iimaanka u yahay; wuxuu gartay in qof kastaaba leeyahy xaq, xaaraanna ay tahay in lagu xadgudbo. Waxa u muuqatay in haddii Galgale soo jeesto oo ay mintidaan, inay dhibta iyo dhimashadu badato mooyaane aan cidina faa’iido kala tegeyn goobta dagaalka. Miyaan hore loo odhan: “Mintid fara yar midhihii bataa kama macaashaane”. Iimaan Cumar wuxuu hor joogsaday in tolkii lagu xanto dad xeer ka dhigtay inay gumaadaan ummadda ku dhex nool; wuxuuu tiirka u taagay qodob kobcinaya xuquuqda dadka laga tirada badan yahay (Minority human rights). Wuxuu tolkiis iyo Soomaaliba tusay in ugaaska, suldaanka iyo ciddii kaleba dadka ay u taliyaan ay ku jiraan dadka laga tira badan yahay ee dhex deggan tolka ay madaxda u yihiin. Taasina waxay Iimaan Cumar geyaysiinaysaa inu yahay horseed (pioneer) xuquuqda dadka. Nasiib darrada jirtaase dadaalkii Iimaanka maanta Carro Edeg baa cidla dhigtay. Wuxuuu ku farxi lahaa inuu hoyday wakhtigiisii oo aanu maanta noolayn.
Falsafaddaas qotada dheer leh ee Iimaan Cumar (AHUN) waxay dhaxalsiisay bulshadii Galgale inay ku noolaadaan nabad iyo xasillooni ilaa intii laga gaadhayay 1985tii. Muddadaas ka dib fidno kale, oo Galgale qudhoodu ay ka qayb ka ahayeen, ayaa nabaddii ceel ku ridday.
Balse mid kale oo iyaduna doc kale ka bidhaaminaysa xilka gaarka ee odaynimada an milicsanno.
Xuseen Sheikh Axmed Kaddare oo isna u dhashay Abgaal kuna caan baxay allifaadda fartii Soomaaliga ee loo yaqaanay “Farta Kaddare, Kaddare Script”, kana mid ahaa guddigii afka Soomaaliga ayaa ka qayb galay madal lagu heshiisiinayo laba beelood oo ka tirsan Xawadle iyo Abgaal oo isku dilay tuulooyinka Moqon Kori iyo Miir Tuugo. Wuxuuu Kaddare arkay nin NSStii dowladda ka socda oo shirkii meel dambe ka fadhiya madixiisana daboolaya si aan loo garan. Haddii shirkii cabbaar socday, dooddiina kululaatay ayuu Xuseen Kaddare hadalkii qabsay kuna bilaabay tix gabay ah:
Moqon Kori iyo Miir Taqwooy Siyeed masalo ma ahadiin
Niman sideey u murqa waynyihiin isu melgaaya ma ahadiin
Maka iyo Madiina niman guboo loo maaran waayay ma ahadiin
.
.
Muraadka maanta maha yaalna niman u mooy leh ma ahadiin
Baydkaas ugu dambeeya markuu tirinayay wuxuu farta ku fiiqay ninka NSSta ka socday ee dadka shirka fadhiya isku ekeysiinayay. Marka dadkii wada arkayna orodbuu jaanta rogay.
Ifafaalaha falsafadeed ee Xuseen Kaddare wuxuu ku salaysnaa laba qodob oo muhimad gaar ah u leh nabadaynta beelaha oo tan hore ay tahay: in aanay nabadi iman karin haddii labada reer ee wada hadlaya midkood gadaal laga riixayo oo loo yeedhinayo qodobadda nabadaynta. Taas oo macneheedu yahay beel waliba inay si madax bannaan u sheegato dhibaatooyinka ay ka tirsanayaan beesha kale. Aqoonyahanku ma tilmaamin cidda la riixayo mana uu garanayn inay Abgaal tahay iyo inay Xawaadle tahay toona. Wuxuu diidayay inay meesha timaaddo cid aan ku lug lahayn shaqaaqada labada tuulo ka dhex dhacday. Wuxuu ka fogaanayay in shir nabadeed la siyaasadeeyo. Waxa isku qaban wayday sababta qof dowlad socda oo is qarinayaa u soo fadhiisanayo shirka nabad lagu raadinayo. Kaddare waxba kama qabeen, ayay ila tahay, haddii dawladdu wakiil la ogyahay ay soo diran lahayd. Haddiibase ay soo dirtay nin haylaamo xidhan, wuxuu go’aansaday “timir laf baa ku jirta”. Sidaas darteed, wuxuu ku yidhi odayadii shirka tix macnihiisu yahay “Ma garanaysaan ujeeddada meesha maanta ka taagan”, ninka shirka ugu talo galay inuu qalloociyana farta ayuu ku fiiqay. Xuseen Kaddare wuxuuu diiday oo uu si cad u hor istaagay inu Abgaal noqdo ushii Xawaadle lagu dili lahaa. Waa garasho facwayn iyo fikrad qoto dheer oo an ogahay in aanay maanta wax taas u dhgimi karaa iyo wax u dhawi toona Carro Edeg ka jirin.
Arrinta labaad ee falsafadda Xuseen Kaddare waxaad ka dheehan kartaa Gabayga tuduciisa koowaad oo ah: Moqon Kori iyo Miir Taqwooy, iyo beddelka uu ku sameeyay magaca tuulada. Wuxuu Kaddare ka hortegay oo afgooyay in tilmaan xuni inay garta saldhig u noqoto. Bal si kale u dhigoo, martabada laba qof ama labada qabiil oo kor u qaaddaa miyaanay nabada soo dhawaynayn? Oday nabadeedka iyo kan gar cadaawe waxaa kala fogeeyay oo ay ku kala duwan yihiin indheer garadnimada. Odayga nabaddu wuxuu arkayaa talada maanta la qalloociyaa inay berrito cawaaqib xun foolan doonto. Kan gar cadaawana waxa kaliya ee u muuqdaa waa wixii maanta calooshiisa geli kara ama ciddiisa u dan ah.
Bal isla arrintaas kor ku xusan waxad barbar dhigtaa mid hadda ka socota gobolka Hiiraan gaar ahaanna tuulooyinka Kabxanlay iyo Deefow ee lagu dagaallamay muddooyinka dhaw. Iyadoo aanu shaki ku jirin in dadka Surre ee Kabxanley iyo Deefow deggani ay dhulkaas ku sugnaayeen qarniyo ayaa odyada Xawaadle mid ka mid ahi ku dooday in gobolka Hiiraan yahay gobol Hawiye oo Xawaadlana Hawiye uga wakiil yahay. Taasi miyaanay ahayn arrin ka fog dadnimada, diinta, dhaqanka suubban iyo Soomaalinimadaba. Haba lagaaga badnaadee miyaa lagu odhan kara meeshaad waliga degganayd ka guur. Taasi miyaanay keenayn in la odhan karo Xawaadle Xamar ha ka guuro Abgaal baa iska lehe?
Bal nin seddexaad oo Carro Edeg ka soo jeedana an isna ka faalloodo siduu arrin dhumuc wayn leh u abbaaray.
Cabdullaahi Macallin (AHUN) oo Murusade u dhashay wuxuu ahaa aqoonyahan bartay cilmiga garyaqaannimada. Wuxuu ahaa garayaqaankii Salaad Gabayre difaacayay. Wuxuu ku caan baxay markii ay dacwadda maxkamadeed ee Salad Gabayre socotay laguna soo oogay inuu damacsanaa afgambi uu Cabdullahi Macallin ugu jawaabay “Haddii afgambi ayuu damacsanaa qof lagu dilayo, waxaa habboon in kii afgambiga ku guulaystay horta la dilo.”
Markii Xamar laga soo saaray warqaddii loo yiqiin “Manifesto” ayaa lagu daray magaca Dr. Cabdullahi Macallin waana loo saxiixay isagoo markaas ku maqan magaalada Ceelbuur. Hadduu soo noqday, wuxuu qoray warqad dheer oo uu arrintaas kaga hadlayo kuna soo daabacay Xiddigtii Oktoober. Qoraalkaa wuxuu ku soo gunaanaday: “Ninka isaga oo aan wax xil ah ummadda u haynin magacaygii been abuur ugu daray Manifesto iyadoo lagaba yaabo hadduu i waydiiyo inan taageeri lahaa, markuu awood madaxnimo helo wax wanaag ah kama sugayo.”
Goortii loo diyaar garoobayay shirkii Soodare ee Itoobiya ka dhacay, ayay ilaa dhawr nin oo Murusade ahi u yimaaddeen Cabdullahi Macallin iyagoo hindisaya inu taageero ololaha loogu jiro doorashada madaxwaynenimada ee Soodare ka dhici doonta ciddi Murusade isu taagi lahayd. Cabdullahi Macallin dhawrkii nin ayuu aad u eegay dabadeedna wuxuu yidhi “Madaxwaynuhu wuxuu leeyahay astaamo gaar ah, lagama maarmaanna u ah marka dad iyo dawlad la maamulayo. Astaamahaasna waxa ka mida in madaxwaynahu ahaado qof yaqaanna kuna dhaqmo diinta Islaamka, xeerarka Soomaalida, kala garanaya Soomaalida iskuna wadi kara, siyaasadaha adduunka iyo sida ay kala tahayna yaqaanna misna leh waxbarasho iyo takhasus gaar ah. Intiinaas nin ee horteeyda fadhiya yaa astaamahaas leh?” Wuxuu si gaar ah u tilmaamay ninkii ugu cadcaddaa kuna yidhi, “hebelow, adigu saddex wiil oo kula dhashay, oo kula aabbo iyo hooyo ah, ayaad isku hayn waydaye ma Soomaali oo dhan baad isku hayn kartaa?” Shirkaasi dantii laga lahaa waxa baajiyay indheer garad ay u muuqatay hataqda soo socota iyo hagardaamada ka dhalan lahayd.
Cabdullahi Macallin (AHUN) isagoo aan fiirinayn qaraabanimada iyo tolnimada ragga u yimid, wuxuu is barbar dhigay mudnaanta madaxwaynenimadu leedahay, aqoonta looga baahan yahay, miisaanka xilku mudan yahay iyo ragga horfadhiya tayo xumadooda. Waxase ka sii wayn inu Cabdullahi Macallin hor istaagay in magaca Murusade uu qof ku baabiyo Soomaalinimada. Waana taas arrinta maanta ugu foolxumada badan ee Carro Edeg taalla. Magac qabiil ayaa dad badan durbaanka loogu tumaya halkaasna waxa ku lumay tii waynayd ee Soomaaliyeed.
BILILIQIYO BOOB QARAN KUMA BOGSADO
Dagaalka sokeeye wuxuu u hiiliyaa qof hammidiisa iyo hankiisuba ku egyihiin xatooyo iyo xaaraan. Dhaqanka, qarannimada iyo ummadnimada intuba waa silsilad. Jiilba jiilkii ka horreeyay buu raadkiisa maraa iyagoo ku biirinaya kolba wixii aqoon cusub ah ee ay u arkaan inay horumarinayso dadnimada iyo dawladnimada. Nololushuna waxay magan u tahay aafo iyo aano eh, waxa jidka silsiladda marar badan soo fadhiista masiibooyin hakiya ama leexiya habsami-u-socodka koritaanka dhaqanka qarannimo, kuwaas oo koolkooliya docda xun ee qofka. Haddii ay ummadi qabiillo u kala baxdana wayba ka sii daran tahay. Carro Edegna waxay halbeeg u noqotay damac isla doonaya in la isla helo boob iyo qarannimo – waa laba aan is qaadan karin.
Meelo badan oo dalka Soomaaliya ka mid ah oo dagaallo sokeeye ka dhaceen ayaa laga kabsaday oo maanta, inkastoo wali aanay meelna ka jirin wax lagu sheegi karo dowlad martabad lihi, ay ka jirto nabadgelyo lagu gaadhi karo dawladnimo. Meelahaasina waxay u garbaduuban yihiin Carro Edeg oo wali salka dhigi la’.
Meelahaas nabaddu ka jirtana waxa ku fara-adaygay odayada dhaqanka oo xakameeyay kuwii nabaddda ku xajiimoonayay ee duullimaadka ku ahaa. Taasina waxay fududaysay in silsiladdii dhaqanka wanaagsani sii socoto. Carro Edegse waxay martay waddo taas ka duwan.
Bulshada Carro Edeg waxay oggolaadeen inay geeddi-socodka ummadnimo faraha ka geliyaan kooxo hankoodu ku egyahay inay ka xoolaystaan dhiigga carruurta iyo dhagarta wax-garadka Soomaaliyeed. Waxa la yaab leh, oo an wali Carro Edeg lagu arag cid ka hortimaadda kuwa ay maanta maganta u yihiin ee wiiqay dadnimadii iyo dawladnimadiiba.
Shaki kuma jiro inay jiraan dad badan oo u damqanaya dadka iyo dalka. Habase ahaatee waxa marag-ma-doonta ah inay ka aamuseen hagardaamada joogtada ah ee kooxahani ay ka wadaan Carro Edeg. Ammuskuna waa oggolaasho dadban. Sidaas darteedna. qodobka ugu wayn ee hortaagan inay Carro Edeg soo kabsato waa shibbanaanta bulshada ee ay taladii u daayeen danley gaar ah. Taasina waxay fududaysay inay kooxahaasi gacanta ku qabtaan odayadii dhaqanka iyo aqoonyahankiiba.
Odayada Beelaha Hawiye iyo Hawiye Action Group (HAG) waxaa labadaba isku bahaystay dad aanay u cuntamayn nabadda iyo qarannimadu oo illowsan ama is-diidsiinaya in nabadda iyo dowladnimaduba u baahan yihiin gorgortan iyo dabac badan. Markaad adigu dabac muujisana kan kaa soo horjeedaana dabac buu la iman doona. Labada ururba waxay u halgamaan hirgelinta fal ku salaysan dhul-boob, dhul-ballaadhsi iyo qalalaase joogto ah si inta la isku maqan yahay falkaas gurracani u hirgalo. Dhismaha labada ururba waa arrin Soomaalida ugub ku ah oo xataa haddii qabiillada kale leeyihiin ay la dhuuntaan lana xishoodaan.
Waxa ummadda Soomaaliyeed tusaale ugu filan in Odayada Beelaha Hawiye qaarkood ay si cad u qirteen inay xasuuqeen qabiilo ay ka mid tahay Gibilcad iygoo markaas u hanjabaya kuwo kale uguna baaqaya inay iyagana sidii oo kale ka yeeli doonaan hadday dulmiga oggolaan waayaan. Waxa la wada ogsoon yahay in ururrada samafalka ama kuwa aan dowladdu lahayn (NGO) loo adeegsado hargadaamada shacbi kale oo dhaqaalihii samafalka loogu talagalay loo weeciyo in lagu maalgaliyo hub dad deggan lagu barakiciyo. Waxa hubaal ah in barakacayaasha gudaha gargaarkooda la lunsado oo xeryahaasi ay noqdeen xabbis aan laga bixi karin, dad gaar ahna u noqday ilo dhaqaale.
Durbaanka iyo qayla-dhaanta colaadeed ee labadaas urur iyo taageerayaashoodu tumayaan wuxuu salka ku hayaa dagaalkii sokeeye oo ay dadka ku beerlaxawsanayaan inu wali sii socdo. Arrin kasta oo timaaddana waxay siiyaan sifo taas u eg iyagoo xadantaynaya qiirada qabiil ee dadwaynaha Carro Edeg kuna xodxodanaya aano, haddii raggeedu jiri lahaa, xilligan laga bogsan lahaa. Afar iyo labaatan sano ka hor bay ahayd markii Darood Xamar ka qaxay. Maantana dhulkiisii nabad iyo horumar baa ka jira. Carro Edeg nabadeeduse wali cirkay ku shareeran tahay. Nabad gelyo la’aanta Xamar ciddii Daarood ku eedaysaa miyaanay ujeeddo kale lahayn?
Aaway waxgaradkii Carro Edeg? Imisa sano ayay madaxa hoos u forarinyaan oo ay ka gaws-qabsanayaan inay si badheedh ah u hor istaagaan ururradaas mudaca ku noqday dantii ummadda Soomaaliyeed? Goormaan arki doonnaa waxgaradkii Carro Edeg lagu yaqaannay ee iimaanka iyo asluubta lahaa, Soomaalinimaduna halbeegga u ahayd oo ka dhiidhiyaya nabad la’aanta joogtowday? Miyaanay arkayn in bogsiimada qaran ka bilaabato adiga oo horta iska horqaada kaaga buka soona hormariya hoggaan caafimaad qaba oo ujeedadiisu tahay in la helo qaran Soomaaliyeed oo ka gaashaanta in dhacdooyinka ummadda loo tuso aano qabiil iyo cudur aan ka fogayn “Soomaliyi cadawgeeda ha u jabto anna an dhawr sano dhergo”.
ABEESO DHUL U EKAASHAY KUGU DISHAA, TUUGNA DAD U EKAASHO.
Siyaasaddu been bay u egtahay. Tuugga xariifka ahina qof daacad ah buu u egyahay. Inta badan, siyaasi-isku-sheegga Soomaalidu tiirka ugu adag ee uu cuskadaa waa qabyaalad. Isagoo dano gaar ah leh ayuu durbaanka ku tumaa magac qabiil si uu uga faa’iidaysto nugaylka inta aan baraarugsanayn iyo sida fudud ee ugu dabacsan yihiin qabyaalladda. Ciddii isku dayda inay labadaas gurracan xakamaysana waxay u ekaanaysaa cid diiddan qabiilkaas dantiisa. Siyaasadda Soomaaliduna waxay ku salaysan tahay qabiil ka sedbursada qabiilada kale. Anigu qof ahaan waxba kama qabo in Carro Edeg sedbursato. Bal eeg, Soomaaliland Isaaq baa sedburasady; Puntlandna Marjeerteen baa sedbursaday, Jubbalandna Ogaadeen baa sedbursaday, Dowladda Konfur Galbeedna waxa sedbursan doona Mirifle laakiin afartaasba nabad baa taalla. Bal hadday Carro Edeg sedbursato nabad ma laga helayaa? Jawaabtu waa maya! Sababtuna waxa weeye kan sedbursiga doonayaa ma aha mid Carro Edeg wax u raba ee waa mid calooshiisa wax u raadinaya; waa mid doonaya inu calaliyo waxaan hungurigiisa mari karin. Nasiib darraduse ma aha inay jiraan qof ama koox calooshooda wax u raadinaya, ee waa in Carro Edeg ay ka aamustay kooxo iyo qofyow doonaya inay magac beeleed dantooda u sarrifaan. Qofkii inu xakameeyo isku dayana waa la takooraa oo suuqaa loo galaa.
Marka la xakamayn waayo koox ama dhawr qof oo hunguri wado, waxa dhacaysa in magaca beesha oo dhan lagu shaabbadeeyo oo ay qaataan. Intii ay doonayeenna waa intaas. Ciddii Soomaalida kale ah ee ka hadasha, fartana ku fiiqda, waxa lagu eedaynayaa inay qabiilkaas neceb yihiin. Waa surgin aan laga baxayn oo cid waliba ka gaabsato. Halhays bay noqotay in la yidhaahdo “Anigu arrintaas ka hadli maayee iga daa. Waa ‘controversial – waa wax la isku diiddan yahay’”. Goormuu xaqu wax la isku diiddan yahay noqday. Maxamud Siyaad Togane wax kale oo an ahayn “tolkay waa gardaran yahay” laguma takoorin. Is qabashadii baa Carro Edeg ka dhammaatay oo ka dhimatay. Odayadii nabadda waxa afgambiyay odayo gar cadaawe oo kaliya yaqaanna. Wax garadkiina way ka aamuseen ama waxay is yidhaahdeen “nimaan talin jirini hadduu taliyo, nimaan tegi jirin baa taga”. Aniguse waxan leeyahay aamusnaanta wax-garadka Carro Edeg ay ka aamusan yihiin inay gaashaanka u dhigaan kooxaha afduubka kula wareegay magacii iyo sharaftii qaaliga ahaa waxay u egtahay: Booli dushiis laguma wada hadlo. Haddaanay sida ahayn, wax-garadka Carro Edeg waxan leeyahay “markaad talada u deyseen kii an talin jirin ee ad meesha ka tagteen Soomaalinimadiina maqnaantiina darteed bay u dhicisay”.
KITAAB GALKIISII LOO DIIDAY SAYAXA ALLAA BADAY!
Caddaalada, xeerka iyo dhaqanka suubbaniba waxay gal u yihiin oo lagu xafidaa qarannimada iyo dowladnimada. Haddii lagu xadgudbo, la qoleeyo, eex la geliyo ama la qalqalloociyo waxa dibadda u soo baxaya cawradii ummadda waxaan dhantaalmaya dowladnimadii iyo qarannimadii labadaba. Waxay markaa halis u noqonaysaa in dugaaggu cuno. Miyaan maanta dugaaggu cunayn qarannimadii Soomaaliyeed. Sowtaas aan u tartamayno Addis Ababa ee u kala dheeraynayno; sowtaas Kiiniya innoo arriminaysa; miyaan haad iyo waraabe raqdeennii ka dhergin. Yaa inna baday inan sidaas ahaanno. Carro Edeg baa inna badday.
Shalay waxay Carro Edeg ka qaylinaysay Itoobiya, maantana waa saaxiibka kowaad. Siyaasadda jirjirroolaha ah ee Carro Edeg waxay kalliftay in shisheeye dalka maamulo. Dhaqan guurka Xamar ku dhacay ee ka dhigay Carro Edeg ayaa ugu horraynba innoo loogay inaan hoos fadhiisanno kuwii an shalay ka adkayn. Kuwii innagoo curdin ah innagu soo dhici waayay waxay inna barkadaan oo sintaaro adag innagu dhufteen markaan is lahayn waad gaamurteen oo imikaad awood yeelateen. Shisheeyaa ino taliya! Shisheeyihii inoo talinayey markuu ceebtii meesha ka taagnayd la yaabayna waxan rabnaa inaan dhahno dowlad baa nahay ee ha na fara gelinina! Waa ka dar oo dibi dhal! Dowladnimadu ma afkuunbaa? Aaway dhaqankii, asluubtii iyo anshaxii la socday ee la’aantood aanay dowladi suurtoobayn? Haddii dowladda laga waayo anshaxa iyo asluubta dowladnimo, taladii dowladnimo, tusmooyinkii lama huraanka ahaa ee dowladnimo sidee bay ku suuroobaysaa inay dowlad sheegato?
Maalin dhawaydna Madaxwaynuhu wuxuu lahaa “Qarannimada iyo madax bannaanida Soomaaliyeed faraha ha lagala baxo”. War ma Soomaali baa qaranimo leh oo madax bannaan? Ma qof mushaharkaaga bixiya ayaad leedahay arrimaha Soomaaliyeed faraha kala bax? Siduu ugula bixi kara sow hantidiisa maaha waxaad ku takrifalaysa? Ma markaad Baarlamaankii ka dhigtay suuqii Bakaaraha ayaad waliba rabtaa in lagu daayo? Ma namiimad iyo isku-dir baad siyaasad u haysataa? Siyaasaddu waa nidaam toosan oo qorsheeya jidka waddan lagu hormarin laha ummadna lagu daryeeli lahaa. Ma aha jawaan lacag ah oo baarlamaanka lala dhex wareego. Ra’iisal Wasaaruhu wuu ka adkaaday Madaxwaynaha ama ha la eryo ama ha la daayo. Halka shay ee uu kaga adkaadayna waa inu diiday inu jawaan lacag ah baarlamaanka geeyo.
Aragtida siyaasadeed ee Madaxwayne Culusow adeegsanayaa waxay ka dhalatay Carro Edeg. Waxaa curiyay, habeeyay oo isku dubba riday kooxo aan dan kale lahayn inay iyagu wax dhacaan mooyaane. Marba sumad iyo sawrac cusub bay la yimaaddaan, maalinba midab horleh ayaa lagu yaqaan. Malaha reer Carro Edegna rogrogashadii faraha badnayd bay ku wareereen oo way la dhaceen, way iibsadeen, way ka yeeleen. Intii wax u kala baxsanaayeenna way ka aammuseen oo waxay u haystaan in ay Soomaali oo dhammi la qabto. Waxaanay ogayn, hadday Soomaali oo dhammi xataa la qabto, inay Carro Edeg tahay meeshii is beddelku ka hanaqaadi lahaa, ka bilaabmi lahaa. Maxaan u lahayn gobanimo-doonku Xamar buu ka bilawday? Hadduu ka bilawday, kuwii bilaabay miyaan waxba laga baran? Xabbaddii gumaystaha ee ay raggaasi beerka u dhigeen, ma waxa ka xoog badnaatay xanta iyo xodxodashada mooryaanta?
Maanta Carro Edeg waxay haysataa fursad qaali ah. Tii gobanimada ka dib, tan oo kale waxay Carro Edeg soo martay 24 sano ka hor. Nasiib darro siday maanta u habowsan yihiin bay maalintaasna u habaabeen oo waxay la kala safteen Caydiid iyo Cali Mahdi. Maantana waxay taagan tahay xilli loo baahan yahay in la garto waxa ummadda Soomaaliyeed ka lumaya.
In badan waxaan danteenna ku seegnay inaan cid kale eedayno iyadoo aanay inoo muuqan gefka iyo gunnimada ka imanaysa Soomaalida qudheeda ee horseedaysa in aan adduun iyo aakhiraba seegno. Sidee bay suurta gal ku noqotay innagoo aragna meesha sartu ka qudhmayso haddana inaan eedda saarno cid kale. Haddaan innagu wax toosinno oo danta ummadda Soomaaliyeed ka talinno way soo bixi doonta cid kasta oo inna walaaqaysa. Guushaada ummadnimo waa loo hiiliyaa, jabkaaga umadnimana waa laga hiiliyaa. Waxase dhib iyo dhakafaar ah ummad is leh waxbaad faa’iidi karta kaligaa adigoo adeegsanaya magac Soomaaliyeed oo aanay faa’iidadaasna kula qabin intii kale ee aad magacaas la wadaagaysay. Bal adba!
GUNAANAD
Hal abuurka ugu qaalisan hal abuurrada ummadda Soomaaliyeed, Maxamed Ibrahim Warsame, Hadraawi, gabaygiisa ahaa “Xamareey ma Nabad baa”, wuxuu ku tilmaamay magaalo madaxda Soomaaliya ina ahayd “Xajka Geeska Bari” iyo sifooyin kale oo aad u qurux badan. Nassib darro Xamar waxay ku guul darraysatay inay xajisato astaamahas abwaanku ku sheegay. Maanta, magaalo madaxdii Soomaaliya waxay u diga rogatay “Xajkii Mooryaanta”.
Diga-rogadka waxa saldhig u ah dhaqan-guurka bulshada Carro Edeg. Dadka wanaagsani ma dabar go’aan laakiin markay aafo jirto waxa suurta gal ah inay gaabsadaan. Taasina ay sabab u noqoto kooxo ama dad dhaqan xun lihi inay ku dhiirradaan qalloocinta horumarka bulshada si ay u fuliyaan danohooda gaarka ah. Himiladaasi deldelani way hirgashay. Caasimaddii ummadduna dabinka wax-ma-garatada ayay ku dhacday. Haddii ay wax-garadka Carro Edeg hurdadaas iyo aamuskaas ku sii jiraanna, sidii xoolihii ayaa la kala xayan!
Arrimo aan qaadan karin, la isma wadi karo, Xamar ma ahaan karto magaalo madaxda ummadda:
- inta nabad gelyadeedu cirka ku laalan tahay. Iyadoo la hayo xaqiiqooyin muuqda oo dad rayida oo ganacsato ahí la soo degayaan hub iyo aalado wax lagu qarxiyo, ayaa haddana waxa caado noqotay in kooxaha xagjirka ah lagu eedeeyo dilalka dadka biri-ma-geydada ah ee ummadda Soomaaliyeed.
- inta kooxaha garta cadaawe heeganka u ahí ay afduubka ku haystaan talada, siyaasadda iyo ra’yiga bulshada Carro Edeg.
- inta ay cid gaar ahí sheeganayso kuna andacoonayso inay iyagu si gooni ah u leeyihiin. Amma waa magaalo madax Soomaaliyeed amma waa goof gar cadaawe laga hirgeliyo, laakiin labada wada ahaan mayso.
- inta hantidii ummaddu lahayd ay dad gaar ahí haystaan dowlad-ku-sheegguna ka dhega adaygayso inay bilowdo qorshe lagu soo celinayo. Sidee Heshiis Qaran ku suurtoobi kara haddiiba hanti dad lagu haysto magac qabiil?
Ogow oo shalay ummadda Soomaaliyeed ayaa go’aan ku gaadhay inay Xamar caasimad noqoto. Maanta ama berrina isla ummadda Soomaaliyeed ayaa iska leh inay go’aamiyaan in caasimadda meel kale loo raro.
Nur Bahal
Toronto, Canada
19kii Nofember 2014
? Mahadnaq: Waxaan u mahadnaqayaa Eeddaday Dahabo Faarax Xassan oo ka mid ahaan jirtay Guddigii Qoraalka Afka Soomaaliga, oo si hufan oo hagar la’aan ah iiga saxday qaab-qoraalka iyo higgaada ereyada.