Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Majaajilliistihii aadka loo xiisay jiray ee Abdi Maxamuud Ilka-Case ayaa maanta Muqdisho ku geeriyooday.

$
0
0

Majaajiliiste_Cabdi_Maxamuud_Ilka_CaseAllaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday majaajaliste, Cabdi Maxamuud (Ilka-case) oo ka mid ahaa majaalilliistayaasha sida weyn caanka ugu ahaa masraxa iyo ruwaayadaha yar-yar ee la xiiseeyo, waxaana geeridiisa xaqiijiyay maareeye ku xigeenka tiyaatarka Qaranka, Abwaan C/kariim Jiir.

Abwaan Jiir ayaa sheegay in maydka marxuumka duhurnimadii maanta laga helay guriga uu ka deggenaa Muqdisho, isagoo xusay inaysan weli aqoonin sabab uu u dhintay, balse xaaladdiisa caafimaad ay ahayd mid wanaagsan.

“Ma ogin sababta geeridiisa, balse caafimaadkiisa wuxuu ahaa markii iigu dambeysay mid wanaagsan, balse geeridu waa xaq, naxdin ayayna nagu noqotay,” ayuu abwaan C/kariin Jiir ku yiri hadal uu warbaahinta siiyay.

Noolaba waa dhintee, Ilka Case oo maanta geeriyooday waxa uu ugu dambeeyey afartii Majaajilliiste ee ay ruwaayadaha wada jili jireen aadkana loo jeclaa,  ee kala ahaa Ali Hiiraan, Maarshaale iyo Aw Kuuku oo labadii sano ee ugu danbeeyey ku geeriyooday magaalada Muqdisho. Haddii aan xusuusta dib ugu celinno filimadii ay duubeen iyo sidii ay dadka u maaweelin jireen, nala daawada sheekadan ay wada jileen Ali Hiiraan, Ilka Case iyo Maarshaalle. Dhammaantoodba Allaha u naxariisto

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles