Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Raysul Wasaare Cabdiweli Oo Kalsoonida Lagala Noqday

$
0
0

RW-Cabdweli-300x225Muqdisho(Awdalpress) 06.Dec.2014–Baarlamaanka Soomaaliya ayaa codkii kalsoonida kala noqday raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah Cabdiweli Sheekh Axmed, oo mooshin ka dhan ah maanta u codeeyeen xildhibaannada.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa shaaciyay natiijada codeynta, isagoo sheegay in 153 xildhibaan ay u codeeyeen in shaqada laga eryo raysul wasaaraha, 80 kale way diidday, labo xildhibaanna way aamustay.

Kulanka baarlamaanka waxaa ka qeyb gashay 235 xildhibaan.

Jawaari ayaa madaxweynaha kula dardaarmay inuu 30 maalin gudahood ku magacaabo raysul wasaare cusub.

Khilaaf soo kala dhex galay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo raysul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa sababay in mooshin ka dhan ah la geeyo baarlamaanka.

Bishii December ee sanadkii hore wuxuu baarlamaanka Soomaaliya sidaan oo kale kalsoonida ugu diiday raysul wasaarihii hore Cabduqaadir Faarax Shirdoon.

BKL.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles