Sheekadu waxa ay maraysey, annaga ( ergadii ) oo guriga saacad horteed uun soo gallay, salkana dhulka dhignay iyo inantii oo u yara yeedhay odaygeedii ay ka cabanaysey. Yaabay….saa waxan moodayey in balaayo dhex taal labadan ruux ee is qaba ee xurguftu dhex martay, oo aanu wada hadal iyo isku yeedh yeedh noocan ahiba meesha oollin. Fekeray…oo anfariiray….Sidii filimka ayeyba dacwaddii ay maanta igu dul akhriyeysey igu soo noq noqnaysaa, markaasaanban mar moodayaa in ay gabadhu ninka ku leedahay iiga bax guriga haddii kale anaa ka bixi, haddana cod iyo hadal aan maqlaynaa ma jiro, in yar ka dibna isaga oo qoslaya ayaabu nagu soo noqday. Saaxiibkay ayaa iga qosliyay oo intii ay isla maqnaayeen inta uu mar i gujay yidhi, ‘waar way is dilayaane aan soo kala kaxayno’. Wadaadka oo maqlayey xantaa ayaa yara qoslay, oo sheeko kale noo saaray.
In yar la dib annaga oo dacwaddii lammaanaha bilaabi rabna, ayaa qaylo dhaani nagu soo dul dhacday, waxaba albaabkii isla soo jiidhay oday iyo islaan is eryanaya. Argagax! qayla dhaanta dumarku bala badanaa….tii aan gureeda joognay ayaaba qaylo kaga dayaamisay uuuu uuuu uuu….hoogayoo ba’ nayeey. Aniga dhulkii baaba igu dhegey oo kicidiba iguma jirto, wadaadkii ayaaba nooga orod badiyey iridkii oo harrare noo dheeyey iridka ka dhex baxay. Saa islaan baaba catabadda gudaha guriga jiifta oo dhiigna ka da’ayaa, dad badan oo buuqayaana dibadda ayey tuban yihiin. Ninka dhagarta geystayna waaba la qab qabanayaa, oo wuu hanjabayaa.
Yaabka yaabkii, oo tanina miyey jirtaa….. is weydiinnay. Gabadhii guriga aan ugu nimid ha noo waranto, oo ha noo sheegto in islaantan dhaawacani ay dhib aad u weyn ku qabto odaygeeda. Kuye habeen walba wuu dilaa, oo naf ay ku nooshahayba ma jirto. Gabadhii sidii ay noogu sheekaynaysey baroor iyo oohin ha qabsato. Hadalla ha ku soo gaba gabayso, waar haddii aad Islaam tihiin u gurmada gabadhan iyo carruurteeda, aniga taydu waa salleellee.
Wedh wedh! immigaabay arrini taagan tahay. Iskula shawray siyaal badan, is weydiiyey….oo ma sidanaa odayada iyo Islaamahoodu u wada nool yihiin. Carruurta kamaba fikirin, oo fikraddaydaba kuma jiraan, illayn waa hawlaha iga maqane. Wax walba waxa igaga naxdin xumaa nabarka uu madax ka gaadhsiiyey, ee dhiiggii uu joogsan la’ yahay. Islaantii inta mar kaliya aan soo jiiday ayaan keenay goboshii aan fadhinay, gabadhii guriga lahaydna biyo iyo caano ha ku qabato, bal si ay naftu ugu soo noqoto. Wax ka degeya ma laha, way walligan tahay, wiil aan farmasiiga uga yeedhnay iyo odayaal qayla dhaantu gaadhay ayaa gudaha guriga soo galay, oo islaanta hareeraha ka fadhiya, mid qur’aan ku akhriya ama taxliil ku tufa, mid madaxa kor u qabta, mid ka ag duryama ……Ilaahay amarkii. Amakaagay, cid is weydiinaysa islaanta yaa dilay marna ma maqlayo.
Dhagar qabihii isagu si nabad ah ayuu gurigii ugu noqday, oo carruurtiisii oo yar yar kolba mid la dirirayaa….hooyadiin hooyana maahee, waa bahal kibirtay, oo aanan baryahaa gacan saarin, afkaabay nagu soo taagaysaa. Oo maxay na moodday, siday biilkiiba nagu yar ii odhan…..waxaasuu qubayaa, carruurtiina inta ay cabsidii ka badatay ayaa mid walliba naxdin gariirayaa.
Dhacdada noocan ah ayaa ka mid ah, sida dhaqanka reeraha Somaliyeed ahaa, dumarkuna waxa ay ahaayeen kuwo aan loo naxariisan oo sidan iyo si ka daran loola dhaqmo.
la soco qaybta kale