Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxweyne Siilaanyo “Waa Inaydaan Dhegaysan Dadka Buuqa iyo Qaylada Wada”

$
0
0

siilaanyoHargeysa(Awdalpress)December-09-2014-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa maanta xadhiga ka jaray Xarun loo dhisay Dalladda Dhalinyarada Somaliland ee SONYO.Madaxweyne Siilaanyo oo khudbad ka jeediyay munaasibada daahfurka xaruntan ayaa dhalinyarada uga digay inay dhegaystaan Mucaaradka Xukumadda dhaliila islamarkaana ku booriyay ka qayb galka horumarka.
Madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay in xadhiga laga jaro xarunta SONYO “Xafladda tan ee furitaanka Xarunta Dhalinyarada Sonyo,farxad weyn bay ii tahay inaan ka soo qayb galo” ayuu yidhi Madaxweynuhu
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu tilmaamay in Dhalinyarada oo qaranka Ahmiyad weyn u leh Xukumaddiisu siiso mudnaanta koowaad “Dhalinyaradu waa Mustaqbalkii Dalka, waa Mustaqbalkii Umadda, waa waxa Umadda horumarka hiigsanaysaa wax ku noqoto, umad walbana waxay noqotaa waxa dhalinyaradoodu noqoto, sidaas daraadeed ahmiyadda dhalinyaradu waa mid aan maanta la isweydiinayn waa mid aad iyo aad u weyn, waa mid aanu anaguna Ogsoonahay oo aanu qiimaynayno,oo aanu qadarinayno oo ay tahay waxaanu uga hawl galayno inaanu mudnaanta siino iyaga iyo horumarkooda iyo hor u talaabsigooda”
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu dhalinyarada uga digay inay dhegaystaan Dad uu ku tilmaamay inay buuq iyo qaylo wadaan islamarkaana bulshada iska horkeenayaan kuwaasi oo uu ula jeedo Mucaaradka Xukumaddiisa dhaliila “Waxaan leeyahay Illaahay garabkiina ha galo, horumar weyn aan samayno, dalka iyo dadkaba aan u dedaalno, halkaas aan hore uga talaabsano,dadka iyo umadda aan u shaqayno, Dadka buuqa iyo qaylada wada yaynaan dhegaysan,dadka waddaninimada xun yaynaan dhegaysan, dadka umadda iska horkeenaya yaynaan dhegaysan, idinkaa dhalinyaradii ah, idinkaa Mustaqbalkii dalka ah waa inaad mar walba horkacdaan oo hormuud ka noqotaan wixii horumarinaya mustaqbalkiina iyo Aayihiina iyo ka dalka intaba” ayuu yidhi Madaxweynuhu
RMS.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles