Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Ina Samaale Oo Munaasibad Hadalo Kulul Ku Weeraray Boobe Yusuf

$
0
0

samaaleHargeysa(Awdalpress)December-09-2014-Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa si cadho leh u Weedho kulul ugu weeraray  Boobe Yuusuf Ducaale, siiba Madal uu ku sugnaa Madaxweyne Siilaanyo,,sidoo kalena Boobe ku sugnaa. Waxaana xusid mudan inaan Madashan wax khudbad ah laga siin Mujaahid Boobe

Wasiir Samaale oo Maanta ka hadlayay Munaasibad xadhiga lagaga jarayay Xarunta Dalladda SONYO oo Madaxweynuhuna fadhiyay ayaa Boobe ku Eedeeyay xaqiridda Guulaha Madaxweynaha iyo Xukumaddiisa iyo inuu been ka sheego waxqabadka xukumadda.

Wasiir Samaale oo la hadlaya Boobe ayaa yidhi“Kalmadda ‘Laakiin’ Luuqada Carabiga waxa la yidhaa waxay baabiisaa wixii ka horeeyay oo dhan,Xukumaddu waxbay qabatay,Madaxweynuhu wuu wanaagsan yahay laakiin, Laakiintaasi waxay leedahay waxba ma jiraan.marka aad leedahay Madaxweynuhu waxbuu qabtay,xukumaddu waxbay qabatay dhismayaal bay samaysay Kalmaddaas(laakiin) aad ka dambeysiinaysaa waa Kalmadda Cudurka ah, waa Kalmada Indho la’aanta ah, waa Kalmadda Beenta ah waa Kalmadda u baahan dad badan in laga daweeyo”

Wasiir Samaale oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Waxaa xaqiiq ah in waxqabadka Xukumaddu maanta meel fiican marayo, waa hubaal inaan aduunku maalin ku dhismayn, waa hubaal in meelkasta oo aynu gaadhno wax inaga dhiman yihiin laakiin waxaa la sameeyaa isbarbar dhig, waxaanu leenahay isbarbar dhig wixii hore ee la qabtay iyo waxaanu qabanay tii oo aanan Inkirayn wixii hore loo qabtay haddana 47 Milyan ayaanu ugu nimid Miisaaniyadda Dawladda,haddana waxay maraysaa 251 Milyan Abtigay Boobe ayaan u sheegayaaye, haddaad intaas ii qirto oo aanad igaga masuugin waa wax wanaagsan”

Wasiir Samaale oo la sii hadlaya Boobe waxa uu intaasi raaciyay “Waa inaad qirtaa farqiga u dhexeeya 47 Milyan iyo 251 Milyan, adigu haddaad ka mid noqoto Xukumad soo socota waxaad qabanayso la sug laakiin waa inaanad Madaxweynaha wax ka sheegin oo aanad Odhan Madaxweynuhu dalka ma xukumo, yaa dalka Xukumma dalka haddaan Madaxweynuhu xukumin, isagaa Wasiirka Magacaaba Wasiirkana Bedela, markaa haddii lagu Bedelay, bedelaadu ceeb iyo cudur maaha,xilka intaas oo qof ayaa isa soo bedelaya cudqad in laga qaado maaha”

Wasiir Samaale isagoo Boobe la sii hadlaya waxa uu yidhi “Anagu waxqabad baanu sheegaynaa, shakhsi ma soo qaadno,waxa dadkii naga horeeyay qabtay ayaanu sheegnaa waxaanu qabanay ayaanu sheegnaa, markaad Inkirayso ee aad leedahay Xukumaddu waxba may qaban,markaad leedahay Madaxweynuhu dalka ma xukumo ee aad beenta sheegayso, ka daa beenta dadka ayaan ku leeyahay, Madaxweynaha ayaa dalka xukuma isagaa cida uu doono beadle cida uu doonana Magacaaba”

Madasha Wasiir Samaale ku Dhaliilay Mujaahid Cabdiraxmaan Yuusuf Boobe ayaan wax hadal ah laga siin Mr Boobe oo munaasibada ku sugnaa arintaasi oo guux ka dhalisay Marti sharafta ku sugnayd Madasha.

Boobe ayaa ka mid ah Siyaasiyiinta hore uga mid noqday Xukumadda Siilaanyo balse haatan ka mid ah Mucaaradka kuna biiray Waddani.

RMS


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles