Nariobi(Awdalpress) 09.Dec.2014-Dowladda Kenya ayaa u gacan-galisay dowladda Soomaaliya sarkaal ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab oo ku eedeysan inuu ku lug lahaa falal lagu khaarijiyay weriyeyaal badan oo Soomaali ah.
Xasan Xanafi oo ka tirsanaa waaxda warfaafinta Al-Shabaab ayaa lagu xiray magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya horraantii bishii August ee sanadkan kaddib markii booliska lagu war-galiyay joogitaankiisa.
Hay’adda nabad-sugidda qaranka ayaa maanta Muqdisho ku soo bandhigtay eedeysanaha. Afhayeen u hadlay wasaaradda amniga qaranka, Maxamed Yuusuf Cusmaan, ayaa sheegay in Xasan Xanafi uu ku lug lahaa shirqoollo dhowr ah oo lagu dilay weriyeyaal ay ka mid ahaayeen Mahad Axmed Cilmi, Sheekh Nuur Maxamed Abkey, Saciid Tahliil Axmed iyo Mukhtaar Maxamed Hiraabe.
Muddo toddobo maalmood ah ayuu sheegay in lagu hayo xarunta hay’adda nabad-sugidda, waxaana ku socda baaritaan dheeraad ah.
BKL