Boorama(Awdalpress) Iyada oo labadii todabaad ee ugu dambeeyey ay Gobolada galbeedka ka taagnaayeen xiisado marba marka ka dambeysa isa soo tarayey taasi oo ka dambeysay ka dib markii uu suldaan ka mid ah salaadiinta dhaqanka Gobolada galbeedku sheegay in ay reer Awdal maqaamkii ay ku lahaayeen Soomaaliland ay waayeen isla markaasina aan tixgalin iyo sharaf loo haynin isla markaasina ay go’aansadeen in ay gabi ahaanba deedafeeyaan ka mid ahaanshaha Somaliland.
iskastaba ha ahaateen dhalinyaro ka mid ah dhalinayada dalada GAASHAAN oo kulan la yeelatay wasiirka duulista iyo hawada isla markaasina ay isku afdhaafeen wasiiro ka soo jeeda Gobolka Awdal oo is hortaagay in wasiirku ka jawaabo su’aalahoodii oo ay dhalinyaradaasi warbaahinta u mariyeen dhaleecayn wasiiradii Gobolka taasina ay sobabtay in saaka booliska magaalada Boorama xabsiga u taxaabeen dhalintaasi.
cabdiwahaab cumar shardi oo ka mid ahaa dhalinyaradii warbaahinta la hadashay ayaa ka mid dhalinyarada xabsiga loo taxaabay ka dib markii hooyadii la soo xidhay is uu isku geeyo saldhiga dhexe ee magaalada Boorama, dhaqanka sidan ah ayaa ah mid ay ha’yada amnigu Gobolka Awdal adeegsada marka ay ugaadhsanayaan dhalinyarada iyaga oo waalidiintooda xabsiyada u taxaaba is ay isku keenaan dhalinyartu .
isku soo wada duuboo waxaa labadii maalmood ee ugu dambeeyey kor u sii kacayey xadhiga lagula kacayo dhalinyarada kuwaasi oo ay xukuumadu kaga hor tagayso xaalada kacsan ee Gobolka Awdal isla markaasina ay doonayso in ay ku cabudhiso dhalinayarada iyo cid walba oo dareenkeeda cabiraysa .
Awdalpress/Desktop .