Weerar ka dhacay xarunta Majallad Wareed ka soo baxda dalka Faransiiska oo la yirahdo, Charlie Hebdo, ayaa lagu dilay 12qof shan qof oo kalena si xun ayaa loogu dhaawacay si uu sheegay Booliska.
Niman wajiga soo duubtay oo hubaysnaa ayaa werarkan ka geystay xarunta Majaladdan ee magaalada xarunta dalkaasi u ah ee Paris.
Warbaahinta Faransiiska ayaa warineysa in ugu yaraan laba nin oo ku hubeysnaa qoryaha darandooriga u dhaca iyo gantaalaha garbaha laga tuuro ay rasaas ku fureen gudaha dhismo ay ku yaaleen xafiisyada wargeyska.
Dadka goobta ka ag dhawaa ayaa sheegay inay maqleen ugu yaraan 50 xabadood.
Ragga weerarka geystay ayaa la tuhunsanyahay inay ku baxsadeen laba gaari.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in shaqaalaha wargeyska ay kulan u fadhiyeen marka toogashadu ay dhaceysay.
Madaxweynaha Faransiiska Francois Holland ayaa difaacay warbaahinta, isagoo weerarkan ugu yeeray mid argagixiso.
Dowladda Faransiiska ayaa kor u qaaday feejignaanta dhinaca argagixisada ku wajahan toogashadan ka dib.
Wargeyskan oo lagu yaqaan hab qoraal uu jees jees ka buuxo oo siyaasadiisuna ay u janjeerto garabja bidix ayaa aalaaba ka faalooda arimaha diimaha iyo dhaqanka.
Maanta oo Arbaca ah ayaa wargeysku wuxuu daabacay fariin booga Bulshada uu ka soo xigtay oo ku jees jeeseysa hogaamiyaha Ururka Isis Abu Bakr al-Baghdadi.
Ma ah markii ugu horeysay ee la weeraro xarunta Wargayska ee magaalada Paris. Horey ayaa koox Islaami ah sidan oo kale ay u weerartay