Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Gaas: Waxaan Qabanay Saraakiil Shabab ah

$
0
0

gaasDagaallo kale oo hor leh ayaa maalintii saddexaad waxay ka dhaceen  buuralayda Galgala kuwaasi oo dhexmaray ciidamada maamul Goboleedka Puntland iyo maleeshiyada ururka al-Shabab.

Madaxweynaha Puntland Prof. Cabdiweli Gaas ayaa VOA u sheegay in dagaalladan u danbeeyay ay ku dileen 20 ka tirsan maleeshiyada ururka al-Shabaab, halka Puntland ay 5 askari uga dhimatay dagaalka.

Gaas wuxuu sheegay inay qabteen laba sarkaal oo sar sare oo ka tirsan ururka al-Shabab kuwaasoo lagu magacaabo Mukhtar Cabdinur Ahmed oo loo yaqaan Axmed Gurey iyo Axmed Cabdi Maxamed.

Madaxweyne Gaas wuxuu sheegay in ciidanka Puntland ay qabsadeen saldhigyo sidoo kalena gacanta ku soo dhigeen saraakiil sar-sare oo ka tirsan ururka al-Shabaab.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles