Hargeysa(Awdalpress)14.Jan.2015:-Siyaasiga ruug cadaaga ah ee horena u haan jirey wasiirkii hawlaha guud iyo guryeynta xukuumadii Daahir Riyaale Kaahin, ayaa si adag uga hadley hadal ku jirey waraysi uu siiyey dhawaan talefeeshanka Universal oo ay warbaahinta ku hadasha afka xukuumada Siilaanyo ay u turjumeen in beesha uu ka soo jeedo Daahir Riyaale tahay beel laga tira badan yahay, waxaana uu carabka ku adkeeyey in gabi ahaanba laga been abuurtay oo ay si khaldan ugu turjumeen bulshada iyo shacbiga reer Somaliland. Isaga oo sida oo kalena tilmaamay in haba-yaraate aanay wax hadalkaa ka jiraa aanu jirin isla mar ahaantaana aanay beesha uu ka soo jeedo Daahir Riyaale Kaahin ka gayin in uu wax xun ku sheego, waxaana uu tibaaxay in beeshaasi ay tahay beel la yaqaano tiro iyo tayaba waxa ay tahay se aan waxba lagu yeeli karin hadal raqiis ah oo ay kooxo hadalka siyaasiyiinta badala ay qoreen.
Siyaasi Siciid Sulub oo maanta magaalada Hargeysa warbaahinta kula hadlaayey ayaa bayaamiyey marka hore u jeedka hadalka u yidhi sida uu ahaa.”Waxaan doonayaa in aan ka jawaabo, hadal su’aal ahaa oo wariye ka tirsan Universal-Tv i weydiiyey, oo ahayd maxaa kalifi jirey in xukuumadiinii UDUB oo Cawil iyo anigu shakhsi ahaan su’aashaasi ugu wajahneyd, maxaa kalifay Daahir Riyaale in aad si xooga u difaaci jirteen, arrinta aniga oo doonaya in aan bayaamiyo difaaca aanu Daahir Riyaale difaacaynay oo madaxweynahayagii ahaa in ay ahayd horta marka hore waajib in aad dee madaxweynahaaga aad difaacdo xaq ayaana uu kuugu leeyahay ay tahay ama xaq qaran ay tahay, isla markaana aan bayaamiyo maadaama ay madaxweynayaashii ka horeeyey ay ahaayeen beesha dhaxe isaguna uu beesha galbeedka ahaa, beesha dhaxena beesha galbeed in ay ka badan tahay dadku u haysto ama la yidhaahdo, beesha dhaxena in aanay kaligeed iska lahayn xukunka oo xukunka in la’la leeyahay in aan bayaamino caalamkana aanu u sheegno in xukunka cid u suntan oo gaar ahi aanay jirin ee ay beelaha Somaliland xaq u wada leeyihiin in beel waliba ay ka mid noqoto, in aanu markaa taa xoojino, si Somaliland uu caalamku u aqoonsado in ay tahay dal cid waliba xuquuqdiisa doorasho iyo xuquuqdiisa madaxnimo cid waliba ay heli karto ayey jawaabtu horta ahayd”
Md:Siciid Sulub Maxamed oo sida oo kale hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yidhi:“Kalmada aan idhina Somalidu waxa ay tidhaahda si xun wax u sheeg sixir ka daran, waxa weeyaan saxaafada ama warbaahinta ku xidhan Xukuumada ama ay leedahayba sida Dawan,Somalilandtoday ama Saxansaxo loo yaqaano in ay leedahay xukuumadu in ay si khaldan u turjumeen oo intaa ay faa’ido ka dayeen aanay ahayn markii ugu horeysay ee ay turjumaad khalada ama war been ah ay ka sheegaan siyaasiyiinta mucaaradka”.Wasiirkii hore ee hawlaha guud iyo guryeynta Siciid Sulub Maxamed, waxaa kale oo uu sheegay in uu beeshaas ka xaal marinaayo hadalka sida qaldan looga turjumay, waxaana uu ugu baaqay in shacbiga reer Somaliland ay ka digtoonaadan in ay warbaahinta hadalka dadka badasha ay warkooda qaataan.
“Waxaan ka xaal bixinayaa sida ay u turjumeen ee aanan anigu u odhan ayaan beesha uga xaal marinayaa sida ay u turjumeen ee aanan ugala jeedin, wax caqli gal ahna aanay ahayn, waxaanan uga digayaa shacabka reer Somaliland jaraa’idka noocaas ah ama warbaahinta noocaas ah ee hadalka dadka had iyo goor badala in aan warkiisa la qaadan. Daahir Riyaale waa la yaqaana beesha uu ka soo jeedo, tiradeeda waa la yaqaana, tayadeedana waa la yaqaana, igamana gaydo in aan beesha fool xumo aan ka sheego, tiradeeda iyo tayadeedaba, waxaa ay noqon kartaa beesha Labaad ee Somaliland tira ahaan tira ahaan iyo deegaan ahaanba, saddex dal bay dagtaa Somaliland, Itoobiya iyo Jabuuti, taasi wax la sheegayo maaha laakiin cida waxa faa’ido ka dayeysa waxaan leeyahay khasaare ayey kala kulmaysaa, shacabka waxaa dhagahooda lagu ridayna waxa weeye dadkaa dhurdaha ah ee dhagaha dadka kaga ururaya waan idin ka xaal siinayaa waxa ay idin yidhaahdeen afkaygiina maaha mana odhanin”Ayuu yidhi Siciid Sulub Maxamed.
RMS