Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxweynaha Somaliland Oo Safar ku Tagay Degmooyinka Ka Dilla iyo Baki

$
0
0

Boorama(Awdalpress)  madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa Fiidkii soo gaadhay magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal kaasi oo uu ku soo gabagabeeyey safar uu ku marayey Magaalooyinka Dilla iyo Baki .

madaxweyne siilaanyo ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyey degmada Dilla halkaasi oo uu ku sugna saacado isla markaasina uu dhagax dhigay mashaariic  ay ka mid yihiin dhakhtar loo dhisayo degmadaasi iyo Guryo loogu tala galay barakacayaasha ku xeeran deegaankaasi .

magaalada Dilla oo lagu xasuusto magaaladii ay dhibta ugu weyn ka soo gaadhay jabhadii uu hogaaminayey madaxweyne hada somaliland ee Axmed siilaanyo ayaa noqonaysa markii ugu horaysay ee uu dhagax dhigo mashaariic laga fulinayey wallow bulshadu indhaha ku hayn doonto hirgalinta mashaariicdaasi .

markii uu soo gaadhay degmada dilla waxaa goobtaasi hadalo ka soo jeediyey masuuliyiinta degmada Dilla ,salaadiin iyo qaar ka mid ah wasiiradii ku wehelinayey madaxweynaha socdaalkiisaasi .

ka dib waxaa madaxweynaha oo safarkiisi sii wata oo socdaal ku maray waddada isku xidha degmada Dilla,Jaaraahorato iyo ruqi , halkaasi ay dadka deegaanka ku soo dhaweeyeen.

Ugu dambeyntii waxaa uu madaxweyne siilaanyo gaadhay Degmada Baki oo ay si balaadhan ugu soo dhaweeyeen bulshada ku dhaqan magalaadaasi waxaan halkaasi kala hadlay gudoomiyaha golaha deegaanka ee degmada Baki  ,Salaadiin iyo qaar ka mid ah wasiirada ku wehelinayey safarkiisa .


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles