Awdalpress(Garissa) 16 May 13– Samafale u dhashay dalka Mareykan ka oo u shaqeynaayay hay’adda USAID ayaa laga afduubtay magaalada Garissa ee dalka Kiiniya.
Ruuxa la afduubtay oo ah haweeney ayaa ka safartay magaalada Garissa iyadoo u sii jeeday degmada Habasweyn ayaa la afduubtay talaadadii aan soo dhaafnay, sida wararku sheegayaan.
Madaxa maamulka booliska ee degmada Habasweyn Emmanuel Chiluma aya sheegay in haweeneydan oo lagu magacaabo Julia Juincy, oo la shaqeyneysay hay’adda USAID xafiiskeeda magaalada Garissa in lagu wargeliyay isaga in ay magaalada ka soo safartay 8 dii subax nimo ee maalintii Talaadada.
Gaadhigii ay ku safraysay ayaa ku lumay deegaanka Madogashe, lamana oga illaa iyo hadda meesha ay ku sugan tahay.
Cadeymaha ay heshay laanta sirdoonta ee dalka Kiiniya(CIU) ayaa muujinaya in telefoonkeeda la geeyay deegaanka Nkubu ee ka tirsan deegaanka Meru.
Kooxda afduubka ka dambeysay oo telefoonkeeda adeegsanaya waxay dalbadeen lacag madax furasho ah sida ay ciidamada xaqiijiyeen
Star