Awdalpress(Nayrobi) 16 May, 13–Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Githu Muigai ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta uu ugu safray magaalada Hague ee dalka Netherlands.
Mr Muigai ayaa sheegay inuu u aaday magaalada Hague ee dalka Netherlands sababo la xiira shirka loogaga hadlayo dacwada uu wajahayo Madax wayne ku xigeenka dalkani Kenya William Ruto.
Prof Muigai oo isagu u raacay Mr Ruto dalka Netherlands Isniintii aanu ka soo gudubnay ayaa sidoo kale sheegay inuu halkaasi u aaday si uu uga qayb galo shirka loogaga hadlayo sida ugu wanaagsan ee ay wada shaqayn u dhex mari karto qaybaha dalkani Kenya iyo Maxkamada danbiyada caalamiga ah ee ICC da.
General Muigai ayaa intaasi ku daray in kulankaasi loogaga dooday su,aalo ka yimid xiriiro aan muhiim ahayn oo ku saabsan sharciyan qaababka xariga ICC ee masuuliyiinta iyo kalsoonida saraakiisha maxkamada ICC da.
Xeer ilaaliyaha guud ee dalka ayaa tilmaamay in kulankaasi uu soo qorsheeyay gudiga ASP taasi oo ay ujeedadeedu tahay inay keenaan quburada Hague ee hay’adaha dowliga iyo kuwa aan dowliga ahayn.
Githu Muigai ayaa sidoo kale sheegay inuu waqti ku bixiyay xiriirada uu la samaynayo ku xigeenka dacwad soo oogaha maxkamada ICC da, gudiga diiwaan galinta iyo Madax wayne ku xigeenka maxkamada ICC da si loogu xaqiijiyo in Kenya ay sii wadi doonto wada shaqaynteeda ICC da.
Prof Muigai ayay dhawaan isku dhaceen dacwad soo oogaha Maxkamada ICC da Fatou Bensouda kadib markii ay sheegtay Ms Bensouda in marqaatiyada kiisaska Mr Ruto, Madax wayne Uhuuru Kenyaata iyo Saxafiga Joshua Arab Sang loo caga jugleeyay.
Mr Muigai ayaa meesha ka saaray dhamaan eedaymaha Ms Bensouda dacwad soo oogaha Maxkamada ICC da ee ka dhanka ah shaqsiyaadka Kenyaanka ah taasi oo ay ku sheegtay in dowladda Kenya ay diiday inay dukumentiyada la xiriira kiisaska shaqsiyaadkaasi Kenyaanka ku wareejiso xafiiskeeda.