Awdalpress(Tehran) 16 Jun, 13–Xasan Rowxani ayaa ku guuleeystay doorashadii madaxtinimada ee maalintii jimcaha ka dhacday dalka Iiraan,waxana uu helay 50% codadkii la dhiibtay,taasi oo meesha ka saartay in la qabto wareeg labaad oo doorasho ah.
Duqii magaalada Tehran Mohammad Baqer Qalibaf ayaa kaalinta labaad galay.
Dadka codkooda ka dhiibtay doorashada ayaa lagu qiyaasay 72.2%,waxana isku diiwaan galiyay inay codkooda dhiibtaan 50 million oo Iiraaniyiin ah.
Mr Rouhani oo ku guuleeystay doorashada ayaa balan qaaday in uu xiriir wanaagsan la yeelan doono wadamada reer galbeedka ee awooda leh.
Hogaamiyaha diimeedka sare ee dalka Iiraan Ayatollah Cali Khamenei ayaa la filayaa in uu dib u saxo codadka 3da bisha August ee soo socota.
Madaxweynaha Cusub ee la doortay ayaa lagu hor dhaarin doonaa baarlamaanka dakaasi iiraan.
Ayatollah Cali Khamenei ayaa ugu hambalyeyay Mr Rouhani guusha uu ka soo hooyay doorashadii dhacday.
“waxaan ku boorinayaa qof kasta in ay dowlada ku caawiyan madaxweynaha la doortay iyo saaxiibadiisa,maadaama uu yahay madaxweynaha dhamaan dalka,” ayuu yiri Ayatollah.
Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka iiraan Mostafa Mohammad Najjar ayaa ku dhawaaqay Mr Rouhani uu helay codad dhan 18,613,329 oo kamid ah 36,704,156 codadkii la dhiibtay,waxana ay u dhigantaa in uu helay 50.71% cod.
Mr Qalibaf ayaa helay 6,077,292 waxana uu galay kaalinta labaad (16.56%).
Taageerayaasha Mr Rowxani ayaa isugu baxay bartamaha magaalada Tehran si ay ugu dabaal dagayaan guusha musharaxoodii uu ka soo hooyay doorashadii madaxtinimada.
Xafiiska dowlada ingiriiska u qaabilsan arrimaha dibada ayaa soo dhaweeyay guusha Mr Rowxani waxana ay ku booriyeen in la yimaado siyaasad ka badalan tii madaxweynihii hore ee dalkaasi Maxamuud Axmed Dinajad,islamarkaana uu ka hadlo walaaca beesha caalamka ee ku aadanin in iiraan ay sameysaneyso hubka nukliyeerka,iyo in uu wanaajiyo xaaladaha siyaasada iyo xuquuqda aadanaha ee shacabka dalka iiraan.
Faransiiska ayaa sidoo kale sheegay in uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo madaxweynaha cusub.
Star