Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Google oo bilowday in ay cirka u siidaayaan Buufino Internet xanbaarsan

$
0
0

BaloonAwdalpress(New Zealand) 16 Jun, 13–Shirkadda weyn ee Google ayaa bilowdey mashruuc la yaableh oo soo jiitey dad badan oo caalamka ku dhaqan.Mashruucan cusub ayaa ah in ay hawada ku siideyso Buufino (Ballon) xanbaarsan adeega Internetka oo xawaarihiisu aad u sareeyo.

Qiyaastii kun buufin oo dhulka ka sareeye 20km ayaa shirkaddu siideysey si ay adeega Internetka ku gaarsiiso dalalka fakhriga ah. Mashruucan ayaa loogu magacdaray Loon

Balloonka ayaa xanbaarsan Sollar-ka dhalinaya tamarta Korontada iyo Satellite ay ku xiran yihiin adeegii soo qabanayey Internetka isla markaana sii daynaayey. Balloon kasta waxa uu adeega Internetka gaarsiinkaraa magaalo laba jeer ka weyn magaalada New York ama qiyaastii 1255km square.

Tijaabadii u horeysey ayaa lagu sameeyey dalka New Zealand Buufinada ama Balloonka ayaa gaari doona Badda baasfikada, Latiin Ameerika, Atlaantikada waxaana ay ku danbeynayaan qaarada Afrika. Ugu yaraan 50 guri oo ku yaala New Zealand ayaa heley Internetka Google Balloon, kuwaas oo horey isu diiwaan geliyey in lagu tijaabiyo.

Shirkadda Google ayaa rajeyneysa in dadka aan Online-ka ahayn ama aan Internet-ka haysan ay ku soo biiraan dadka horey u haystey Internetka, Shirkadda Google ma sheegin lacagta ku baxdey mashruucan oo ay muddo dheer soo waddey, sidoo kale waxaan la sheegin qiimaha ay iska bixin doonaan dadka isticmaali doona, inkasta oo la rajaynaayo in qiimuhu noqon doono mid aad u yar.

Adeegan meelaha sida weyn looga baahan yahay waa dalka Soomaaliya oo ay dadku lacag badan ka bixiyaan Internet u dhigma kii la isticmaalayey bilowgii Sagaashamaadkii, gaabinta xawaaraha waxaa ka daran go’itaanka iyo maqnaanshaha badan, haddaba Shirkadaha Soomaaliya sidee u arki doonaan mashruucan markii Buufinada qaar kood gaaraan meel Soomaaliya laga siin karo Internet, ma u kala tartami doonaan in ay Shirkadda Google xiriir kala sameeyaan mise dagaal ayey ku qaadi doonaan?

Star


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles