Boorama(Awdalpress) 23.feb.2015- Ururka HIRAD oo ka mid ah ururada bulshada ee ka jira Gobolka Awdal ayaa soo qaban qaabiyey tartan orod oo ay ku qabteen Dugsiyada sare ee ku yaala magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal taasi oo kor loogu qaadayey nabadgalayada iyo is dhex galka dhalinyarada ku dhaqan magaalada Boorama isla markaasina dhiiri galin badan lagu siinayey dhalinyarada jecel orodka.
Tarantankani orodka ayaa ku soo beegmay xili dunida caalamka uu kaan ka yaran orodyahan Soomaaliyeed ee u orda dalka Ingiriiska ee Mo Farax iyo Ayaanle Suleymaan oo isna u orda Dalka Jabuuti kuwaasi oo dhalinyarada soomaaliyeed u noqday Kuwo ay ka tusaale qaataan.
Halkan ka Daawo Tartankii Orodka