Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Jaziiradda Kudhaa Oo Al-Shabab Laga Qabsaday

$
0
0

amisonCidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM oo ay la socdeen ciidanka maamulka KMG ee Jubba ayaa maanta dib u qabsaday  jaziiradda Kuudha ee gobolka Jubbada Hoose oo ay haysteen ururka al-Shabaab.

Wararka ayaa sheegaya in ciidanka Kenya ay duqeyeen jaziiraddaasi kahor intii aanay cidamada qabsan. Maleeshiyada ururka al-Shabaab ayaa ka cararay halkaasi, waxaana lagu soo warramayaa inaanay dhicin dagaal toos ah oo labada dhinac dhexmaray.

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa jaziiradda ka qabsaday ciidanka Jubba bishii November ee sannadkii hore. al-Shabaab ayaa la sheegayaa in dagaalkaasi ay ku dileen tiro ciidamo ah oo ka tirsan maamulka Jubba.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles