Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Jaaliyadda reer Somaliland ee dalka Britain oo ka niyad jabsan maamulka Somaliland, maxay tahay sababtu?

$
0
0

Ahmedweli4Jaaliyadda ku abtirsata Somaliland ee dalka UK oo  muraayad u ah Jaaliyadaha reer Somaliland ee caalamka , ayaa xilligan oo ay ku soo dhawdahay 18 May ayaa waxa laga dareemayaa niyad jab aad ah iyo kala qaybsanaan aan hore looga baran.

Bilahan oo kale waxa dadka reer Somaliland ee dalka Ingiriiska deggen caado u ahayd sida xawliga ah ee ay u socdaan u diyaargarawga dabbaaldegga 18ka May. Laakiin waxa immiga muuqda in aan la hadal haynba. Haddii ay dadka qaar hawsha gacanta ku hayaanna loo arko dad ka ganacsanaya uun shacabka waddaniyiinta ah ee aadka u jecel in ay helaan dawlad caalamku ictiraafo.

 

Niyad Jabkan ayaa haddaba waxa ka kow ah;

Xukuumadda Siilaanyo oo aan ka warhayn ama gaabis ka ah isku xidhnaanta Jaaliyadda, had iyo  jeerna la safan dad gaar oo dano gaar wata.

 

Wasiirro aan  sumcad ku lahayn, lagana jeclayn dalka Ingiriiska oo mar walba ku soo dhex dhaca wakhiyadan oo kale. Kuwaasi oo aan bur burka Jaaliyadda iyo sumcad xumo ay la dhex joogaan mooyaane aan muuqaal dawladnimo lahayn.

 

Dadka isku xil qaama hawlaha Jaaliyadda ee ku wajahan nashaadka 18ka May oo kale, oo dan ganacsi mooyaane aan ugu jirin masiir ummadeed. Haddana gacan saar la leh xukuumadda Ahmed Siilaanyo.

Mar aan haddaba waraysi gaar la yeelannay shakhsiyaad muddakar ah oo arrimahaa indhaha ku haya ayaa waxa ay ku talinayaan:

 

Waa marka horee in uu Madaxweyne Ahmed Siilaanyo isha ku hayo xaaladaha Jaaliyadaha UK ee grafkoodu aadka hoos ugu socdo.

 

In Jaaliyadda laga ilaaliyo Wasiirrada aan ummaddooda sumcadda ku lahayn ee qaska iyo siyaasad xumada kula dhex jira.

 

In Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ee Somaliland ay dib u eegto hab dhismeedka Jaaliyadda Somaliland, una qabato shir ballaadhan oo ay Jaaliyadda kula yeelato wada tashi.

A Goth

 

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles