Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Saldhigyada xuutiyuunta ee kuyaalla maddaarka Sanca iyo galbeedka dalka Yaman oo ay ciidammada cirka ee Sacuudigu garaaceen.

$
0
0

Royal_Saudi_Air_Force_Saudi_Hawks_BAe_HawkDalka Yaman ee Jabhaduhu ka dillaaceen ayaa la sheegayaa in dawladda Sacuudiga ee ay jaarka yihiin bilowday dagaal ka dhan ah kooxda Xuutiyiinta.  Warar arrintaa ku saabasan halkan ka akhriso.

Dowladda Saudi Arabia ayaa sheegtay inay duqeysay saldhigyo ay kooxaha xuutyihiintu ay ku leeyihiin dalka Yemen. Tallaabadan oo ay ku sheegeen inay tahay mid ay ku difaacayaan dowladda madaxweyne C/rabbu Mansuur Haaddi.

Howlgalkan ayaa waxaa dowladda Sucuudiga ku wehlinaya dalal kale ee Khaliijka Carabta ka tirsan. Waxana uu Sucuudigu hore u sheegay inay tallaabo qaadayaan haddii lagu guul-darreysto wadahadal lagu doonayo in lagu xasiliyo dalka ay dariska yihiin ee Yemen.

Danjiraha Sucuudiga u fadhiya Mareykanka, Caadil Al-Jubeyl oo warbaahinta kula hadlay Washington ayaa sheegay in dalkiisu uu hoggaaminayo howlgalkan oo uu ku sheegay mid looga hortagayo in xaaladda Yemeni in ay ka sii darto ama ay ku fiddo mandiqadda.

Wararka laga helayo Yemen ayaa sheegaya in duqeymahani ay ku dhinteen 13-qof oo ay ku jiraan saddex carruur ah iyo haweeney, iyadoo tiro kale oo dhaawacyo kala duwan qabana loo qaaday isbitaallada waaweyn.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in howlgalkan ay ka qaybqaadanayaan 100 diyaaradaha dagaalka ah iyo 150,000 oo askari oo ka kala socda dalalka, Masar, Marooko, Jordan, Suudaan, Kuwait, Imaaraadka Carabta, Qatar iyo Baxreyn.

Goobaha ay diyaaradaha dagaalku duqeeyeen ayaa waxaa ka mid ah; garoonka diyaaradaha magaalada Sanca iyo saldhig ciidan oo lagu magacaabo Dulaymi oo ku dhow magaalada xarunta ah ee Sanca.

“Waxaa naga go’an inaan sameyno wax walba oo aan awoodno si aan uga hortagno in la rido dowladda la aqoonsan yahay ee uu hoggaaminayo Haaddi,” ayuu dajiraha Sucuudiga iyo dalka Mareykanka ku sheegay shirka jaraa’id ee uu Washington ku qabtay.

Hoggaamiye sare oo ka tirsan xoogagga Xuuthiyiinta Yemen ayaa duqeynta Saudi Arbia ay dalkiisa ka geystay ku tilmaamay mid ay cadaawad ugu abuurayso dalkeeda, isaga oo ka digay in duqeymahan ay horseedaan dagaallo ku baaha gobolka oo dhan.

Si kastaba ha ahaatee, duqeyntan ayaa imaanaysa iyadoo Xuuthiyiintu ay la wareegeen garoonka diyaaradaha Cadan, halkaasi oo saldhig u ahayd madaxweynihii dalkaasi oo laga eryaday magaala madaxda Yaman ee Sanca.

Awdalpress

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles