Xildhibaan Maxamed Dahiye Ducaale oo laga soo doortay degmada Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari ayaa VOA u sheegay in la hayo xog buuxda oo xaqiijineysa in raggaasi ay ka yimaadeen xeryaha qaxootiga ee gobolka Waqooyi bari.
Ducaale ayaa sheegay in dowladdu ay billowday baaritaan ku aadan xaqiijinta faro laga qaaday raggii weerarka soo qaaday iyo dhiigga lagu oggaado aqoonsiga qofka ee loo yaqaaanno DNA, kuwasoo loo diray xarumaha xog-uruurinta aqoonsiga ee dowladda Kenya iyo kuwo qaxootiga oo la soo kala oggaan doono in ay yihiin Kenyaan ama dad qaxooti ah.
Ducaale ayaa sheegay in mas’uuliyiinta dowladda ay aammisan yihiin in ragga weerarka geystay ay magaalada Gaarissa lug ku yimaadeen maalintii uu weerarku dhacay kaddibna ay isticmaaleen tagsi taasoo weli dabogal lagu hayo.
Xildhibaan Dr. Maxamed Dahiye Ducaale ayaa sheegay in dadka dhintay oo dhan 147 qof ay 143 ka mid ah ay ahaayeen ardayda kuwaasoo 67 ka mid ah ay ahaayeen gabdho.