Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Meydadka ajaaniibtii ku dhimatay weerarkii UNDP oo munaasabad sagootin ah loo sameeyey (SAWIRRO)

$
0
0

Garoonka dayuuradaha Aadan cadde ee magaalada Muqdisho aya waxa galabta laga duuliyey meydadka sadex ajaaniib ah oo u kala dhashay dalalka Kenya iyo Koonfur Afrika.

Ajaaniibtan ayaa ka mid ahaa shaqaalihii heyadda UNDP ee ku geeriyooday weerarkii shalay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ku qaadeen xaruntaas kaasoo isugu jiray isqarxin iyo mid toos ah.
 
Inta aan dalka laga duulinin ka hor ayaa meydadkan waxa munaasabad kooban oo baroordiiq iyo sagootin ah loogu sameeyey garoonka Aadan cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana munaasabadaas ka qeyb galay madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud wakiilka QM u qaabilsan Somalia Nicholas Kay iyo madax iyo saraakiil ka tirsan AMISOM.

Wakiilka QM u qaabilsan Somalia Nicholas Kay oo kulankaas ka dib shir jaraaid u qabtay saxaafada ayaa sheegay in shalay ay maalin madow u aheyd QM iyo ummada Soomaaliyed, wuxuuna sheegay in dadka meydadkooda la qaaday ay dalka u yimaadeen wax u qabashada shacabka Soomaaliyed, isagoo xusay in howshii ay bilaabeen ee ay dhinteen aan dhexda looga tegi doonin lana sii wadi doono.

Ugu yaraan 20 qof oo isugu jira shaqaalaha QM oo Soomaali iyo ajaaniiba leh iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay weerarkii shalay lagu qaaday xarunta UNDP ee magaalada Muqdisho kaasoo kooxihii fuliyey ay u adeegsadeen isqarxin iyo weeraro toos ah.

 

Dayniile.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles