Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Ciidamo Itoobiyaan ah oo Gudaha Somaliland kula Dagaalamay koox Al-shabaab ah.

$
0
0

ethiopiaAwdalpress – Hargeysa – Ciidamao Itoobiyaan ah ayaa Tuulada Bali-Cad  oo ku taala Agaarka  Degmada Widh-widh kula dagaalamay Koox Al-shabaab ah oo Doonaysay in ay ka taloowdo deegankaasi, kuwasoo ku sii jeeday Buuraha Gal-gala, Kooxdan oo ka soo Kicitintay Badhtamaha Somaliya, ayaa laga warhelay iyaga oo dhexda ku soo jira,  kadiban waxay Dadka Deegankaasi ku wargaliyeen Ciidamo Itoobiyan ah oo ku sugnaa Xududka Deegankaasi, Waxana dhex maray Dagaal kaas oo aan Ilaa Hada la ogeyn Khasaaraha dhab tahay ka dhashay, Qof deeganakasi ku sugnaa oo Waaheen La soo xidhiidhay ayaa u xaqiijiyey in ay labada Ciidan ee Al-shabaabka iyo Itoobiyanka ah Dagaal Culusi dhex, waxaana  uu Xusay in Khasaare Labad dhinca Soo gaadhay, Isaga oo intaasi ku daray in 6 Qof oo ka mid ah Kooxda Al-shabaab Markii danbe la qabtay.

Sidda oo kale wax uu sheegay in qaar ka mid ah Kooxda Al-shabaab ay baxsadeen oo aan la haynin Jihada ay u baxeen, Kadib markii Dagaalku iskugu dhaca.

Kooxda Al-shabaab ah ayaa la sheegay in uu Gaadhi ka soo qaaday Gobolada Dhexe balse ay ka dageen markii ay soo gaadheen Xuduudka Somaliland iyo Wadanka Itoobiya u dhexeya.

Deeganka Labada Ciidan Dagaalku ku dhex maray oo ah Gudaha Somaliland ayaanay ku sugnayn Ciidamo Somaliland ahi, taasna wax lagu tilmaamaa sababta Al-shabaab marinka uga dhigtay.

Waaheen


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles