Awdalpress – Hargeysa – Ciidanka RRU-da ayaa Xallay Mar kale guri ku yaala Magaalada Burco ka fuliyey hawlgal ay guriga ugu daateen waxaanay ku soo qabteen Wiil dhalinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay Salaad, Sidoo kale wax ay isla Saaka Burco ku soo qabteen nin kale oo Magaciisa lagu koobay Maxamud.
Ilaa Hada Xukumadda Somaliland kamay hadal qabqabashada labaad nin, Hase yeshe Sidda u ku soo waramayo Wariyaha Waaheen Ninka Habeenimada La qabtay ayuu sheegay in ay ilmaabti yihiin mid ka mid ah Afartii nin ee dhawaan Ciidanka RRU-du qabteen Hawlgalkii Burco ee Hubka ku soo ururiyeen.
Mid ka mid ah labada nin oo ka habeenimada la qabtay ayaa xaaskiisu Waaheen la soo xidhiidhay waxaanay ciidanka RRU-da ku eedeysay in ay gurigeeda ka qaateen Hanti, iyada oo ku eedeysay in ay argaga ku rideen, iyada oo sheegtay in ninkeeda wakhtigii la qabanayey aanu guriga ku sugnayn.
Waaheen