Dilla(Awdalpress) 20-4-15- Adeeg caafimaad oo bilaash isla markasina ay maal galisay ha’yadda UNFPA ayaa laga bilaabay magaalada Dilla ee Gobolka Awdal halkaasi oo mudo shan maalmood ah ka socon doona demadaasi, waxaana ka faa’idaysan doona dadweynaha ku dhaqan magaalada Dilla iyo Deegaanada Hoos yimaadda .
Adeeggani caafimaad ayaa waxaa ka qayb qaadanaya dhakhaatiir ka kala timid Gobollada Maroodi jeex iyo Burco, kuwaasi oo hoos yimaadda wasaaradda caafimaadka ee Somaliland .
Furitaankii mashruucani ayaa waxaa ka soo qayb galay wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka ,isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee Gobolka Awdal , masuuliinta degmada Dilla ee Gobolka Awdal
Halkan Ka Daawo :