Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Faahfaahin weerarka ka dhacay Garowe ee lagu dilay shaqaalaha QM

$
0
0

basKooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qarax saaka magaalada Garowe lagula beegsaday gaari bas oo ay saarnaayeen shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobey. Shaqaalaha ayaa ku sii jeeday xarunta Qaramada Midoobey markii uu qaraxu dhacayey.

Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhimatay weerarkan, toddoba kalana way ku dhaawacmeen.

Taliyaha qeybta booliiska gobolka Nugaal, Axmed Cabdullaahi Samatar ayaa u sheegay warbaahinta in weerarka uu fuliyey qof isa soo miidaamiyey, isagoo intaas ku daray in afar kamid ah dadka dhintay ay ahaayeen ajinabi, labana Soomaali iyo qofkii is qarxiyey.

Dadka ku dhaawacmay qaraxa, ayuu sheegay taliyuhu in shan qof ay Soomaali yihiin, labada kalana ajinabi.

Hay’adda badbaadada dhallaanka ee Unicef ayaa, sheegtay in afar kamid ah shaqaalaheeda ay kamid yihiin dadka ku geeriyooday weerarka.

Afhayeen u hadlay Al-Shabaab, Cabdicasiis Abuu-Muscab ayaa sheegay in kooxdoodu ay weerarka fulisay.

Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa cambaareyey qaraxa, wuxuuna sheegay in uu ka naxay dadka naftooda ku waayey.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles