Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Afar Qof Oo ku dhimatay qarax ka dhacay Muqdisho

$
0
0

far qof ayaa ku dhimatay, lix kalene wey ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay maqaayad lagu magacaabo Banooda oo ku taalla magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble, afhayeenka gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan gobolka Banaadir ayaa tagay goobta kadib qaraxa.

Qaasim Axmed Rooble, afhayeenka ciidanka booliska ayaa xusay in qaraxa loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo lala eegtay maqaayadda oo ay dad badan ku sugnaayeen.

Wuxuu tilmaamay in ciidanka ammaanka ay ku dadaalayaan sidii looga guuleysan lahaa kooxaha dhibaatada ku haya shacabka Soomaalida, isagoo ka codsaday shacabka inay la shaqeeyaan ciidanka, si looga hortago falalka argagixisada.

Al-Shabaab ayaa loo maleynayaa inay ka dambeysay qaraxa.

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles