Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Xarun Cilmi Baadhiseed oo Xubno Aqoon yahanno reer Somaliland ahi ku daah fureen dalka Ingiriiska.

$
0
0

Breaking_news-620x3301Xalay oo ay taariikhdu ahayd 25/04/15, waxa magaalada London ee carriga Ingiriiska lagu daah furay xarun cusub oo cilmi baadhiseed. Xaruntan oo loogu tala galay in ay ka hawl gasho tayeynta qaranka Somaliland.

sawirro urur cilmi baadhiseed

Halkan ka daawo kana akhriso war murtiyeedkii ay aasaasayaasha ururkani soo saareen:

Xarunta Cilmibaadhista iyo Tayaynta Qaranka Somaliland (Xil-Tayayn Qaran)
Somaliland Centre for Research and State Effectiveness (SCRSE
)

Tirsi: XTQ 1/2015
Taariikhda: 25th April 2015

Ujeedo: War-murtiyeed

Lafo-gur iyo falanqayn muddoba noo soo socotey ka dib, annaga oo ka kooban muwaadiniin ka mid ah qurba-joogta Somaliland ee UK, waxa aannu maanta ku dhawaaqaynaa yagleelka Xarunta Cilmibaadhista iyo Tayaynta Qaranka Somaliland (Xil-Tayayn Qaran) oo ah xarun cilmibaadhiseed oo madaxbannaan, dhexdhexaadna ah oo fadhigeedu yahay London, UK.

Himilada Xil-Tayayn Qarani waa in la taabbo geliyo qaran uu qof waliba mas’uuliyadda saaran u qoolan yahay oo isaga wixii xumaada loo raacayo, lana hirgeliyo isirrada isla xisaabtanka, daahfurnaanta iyo tisqaadka maamul wanaagga dawladnimo, taas oo aannu u aqoonsan nahay in ay kor u qaadayso tayada nololeed ee muwaadinka Somaaliland iyo ta qarankaba.

Si taas loo gaadho, waxa ay xaruntu higsanaysaa in ay xog iyo talo lagu dhaliyey maskax-tuujin ku biiriso qaybaha qaranka ee kala duwan, iyada oo soo bandhigaysa daraasado madaxbannaan oo ku fadhiya cilmibaadhis, lafo-gur, dood-cilmiyeedyo, galaangal iyo abaabul aragtiyeed.

Si looga midho dhaliyo ujeeddooyinka xaruntan la yagleelayo, waxa ay abuuraysaa rug loo dhan yahay oo hirgelin karta dhaqan aqooneed oo waxtar ummadeed yeesha. Ujeeddooyinkeeduna waa talobixin, wacyigelin iyo dhiirrigelin in bulshadu ka wada qayb qaadato dhismaha iyo tayaynta qaranka, iyada oo laga dhinbiil qaadanayo dhitada waaya-aragnimadii iyo garashadii laga soo dhaxlay waayihii ummadda iyo taariikhdeeda tagtadii shalayto iyo joogtadeeda maanta qiimayn ahaan.

Jidadka wax qabadkeeda ay xaruntu u maraysaa waa diyaarinta iyo hirgelinta cilmibaadhis, dood-cilmiyeedyo, aragti is waydaarsi, qoraallo faafin, daabacaad, warbixinno, dhisidda awoodda wax qabsiga iwm, iyada oo diiradda saaraysa isirrada ay ka mid yihiin:
Maamulka dawladda laamaheeda, ganacsiga iyo u sinnaanta fursadaha, xirfadda iyo aqoonta bulshada, kaabayaasha dhaqaalaha, nabadgelyada iyo garsoorka, sharciga iyo kala dambaynta, maaraynta khayraadka dalka, warbaahinta, taabba gelinta waddaniyadda, midnimada, wada noolaanshaha, caddaaladda iyo ku tiirsanaanta qaranka, waxyaalaha hortaagan hirgelinta iyo ku dhaqanka habka maamul wanaagga iyo habsami u socodka hawlaha dawladnimo, musuqa iyo qabyaaladda, habka doorashooyinka iyo xeesha qorshe ee aqoonsi u raadinta qaranka Somaliland.

Alle ayaa mahad leh
Xarunta Cilmibaadhista iyo Tayaynta Qaranka Somaliland (Xil-Tayayn Qaran)


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images