Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Fadlan Caawi: Hooyo Haysta Laba Wiil Oo Xanuunka Dhimirku Ku Dhacay Oo Guri Loo Dhisay .

$
0
0

???????????????????????????????Boorama-(Awdalpress)-Waxay ahayd 17/Feb/2015 ,qoraxdu waxay sii galaysay godkeeda,dadka badadiisuna waxay usoo hayaameen guryahooda. Aniguna waxan ka mid ahaa dadka waqtigaas usii jeeday dhinaca suuqa,si aan usoo guto xaajo igaga xidhnayd,daruurina u ahayd hawl maalmeedkaygii shaqo intii ii qorshaysnayd. Inta badan dadka wadada ka gudbayay badidoodu waxay ahaayeen dad muuqaalkoodu iila eegyahay hooyooyin. Anigoo ku guda jira socodkaygii waxa ay indhahaygu si kadis ah u qabteen,hooyo iyo wiil iyo gabadh wada socda. Socodkoogu wuu ka duwanaa ka dadka kale,waxa ayna kolba dhinac isugu leexanayeen wadada aanu wada soconay.

Markii aan dareemay in socodka hooyadaa iyo labada qof ee la socdaa aanu la mid ahayn kuwa dadka kale,oo si habsami iyo nidaam ah toobiyaha u haystay,waxan bilaabay inaan u kuurgalo xaajada ku duugan dadkaa. Waxan u durkay dhinacii ay wadada ka marayeen,anigoo talaabada hore ula dhaafaya si aan uga bogto xaalada ay markaa ku sugnaayeen. Hase ahaatee waxa natiijadaydii iyo daba galkaygii kasoo baxay arrin qofkasta oo dareenle ku kalifaysa in qalbigu xanuuno,dadka sii nugulna gaadhsiinaysa heer ay ilmadu ka qubato.

Hooyadaas labadeeda gacmood waxa ku xidhnaa silsilad,mida midigta xigta waxa ugu sii xidhnaa wiilka,ta bidixna waxa kaga sii lamaanayd gabadha. Cabaar kadib waxa aan garawsaday in labadaa qof ee gadahayga ah,gabadhuna ay igaba sii da waynayd inay yihiin dad bukaan ah,oo maskaxda wax ka qaba. Waxay ahaayeen dad ay ka muuqato daranyo aad u badan,hooyaduna runtii waxay kolba hor joogsanaysay meherad si ay u hesho wixii ay labadaa qof ku quudin lahayd habeenkan caawa ah. Labadaa ubadi waxay ku jireen waqtigii shabaabnimada,waana waqtigii ay waalidkood nasin lahaayeen. Hase ahaatee Illaahbaa dunnidan aynu ku nool nahay ay gacantiisa ku jirtaa,isaguuna mulkiga iyo maamulku u sugan yahay,mana jirto cid badali karta xaalad uu isagu keenay.

Dulucda Warkaygan  waxay kusoo gobo tidhi,dadkaas aniga iyo adiga inala midka ah,hadana uu Alle weyne Jala wacalaa sidaa u gartay in ay inoogu sugan tahay cimaqaalkaygubro iyo wax ku qaadasho saldheer oo u baahan in fiiro gaara loo lahaado. Waxa inagu waajiba inaynu u gargaarno dadka duruufahaa qaba,bulshaduna ka indho laadahay. Ka sokow xanuunka carruurtaas hayay waxa dheerayd nolol xumo iyaga oo dadkaasi uu hoy u ahaa guri daso ama buul ah sida uu qofba u yaqaan.

Baaqaas kadib waxa si dadnimo leh uga soo jawaabay dad muslimiin ah oo ku sugan dalka gudihiisa iyo dibadiisa,iyagoo ka damqaday xanuunka iyo dhibaatada ay dadkaasi la ildaran yihiin. Muddo 2 bilood ah oo aan qaadhaankaas ururinaynay waxa Alle noo suuragaliyay inaan dadkaasi u helno dhul ama jago,anigoo uga mahadcelinaya dadkii dhulkaa lahaa oo iyaguna qaybtooda ka qaatay tabarucaadka.
Intaas kadib waxa aan uga dhisnay guri laba qol ah oo jiingad ah kuwaas oo leh barande,waxa sidoo kale aan gaadhsiinay agabkii ay ku seexan lahaayeen iyo raashin anaga isla shalay oo ay bishu ahayd 27/April/2015 ku wareejinay.

Walaalayaal dhamaantiin intii hawshaa ka qayb qaadatay iyo intii dhiirigalisayba waxan Alle weyne idiinka baryayaa inuu miisaanka xasanaadka idiinku daro,meeshii aad kazoo saarteena uu mid ka kheyr badan idiinku badalo. Dhibaatadu intaas kuma koobna waxanse mar labaad codsi idiinku soo dirayaa inaynu dhamaystirno waxyaalaha qabyada ka ah gurigaa,sida musqul ay xaajadooda ku gutaan iyo xayndaabka guriga. Sidoo kale waxa aan rajaynayaa inaynaan halkaas kaga hadhin balse aynu joogtayno daryeelka dadkaas intii awoodeena ah.

Waxa aan si gaara ugu mahadcelinayaa Hooyo Hibo Cabdi Yuusuf oo runtii arrinkaa hirgalintiisa ka qaadatay qayb lixaadle,iyadoo habeen iyo maalinba u taagnayd sidii ay u hawshaasi u fuli lahayd.

Allaa Mahadle

Ahmed Suldaan Saleebaan Cali
Arday wax ka barta Kulliyada Caafimaadka ee Jaamacada Camuud.

HALKA KA DAAWO :

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images