Awdalpress – London – Dowladda Soomaaliya ayaa magac cusub u bixisay kooxda Al Shabaab kaasi oo ah UGUS, sarkaal dawladda u hadlayna waxa uu sheegay in aanay doonayn inay warbaahinta maxalliga ah ka maqasho iyaga oo adeegasanaya magaca al-Shabaab; warbaahintii ay ka maqashana ay dawladdu tallaabo ka qaadi doonto.
Taliyaha Nabad Sugidda Soomaaliya, Janaraal C/raxmaan Tuur yare, oo uu hadalkani ka soo yeedhay ayaa sheegay in ciddii magaca al-Shabaab adeegsata ay u arki doonaan cid faafineysa wuxuu ugu yeeray “cudurro faafa oo halis ah”.
Maxamed Colaad Xassan oo Washington Jooga ayaanu sarkaalkani u waramay. ( hoos ka dhegeyso ).
Awdalpress





