Awdalpress – London – Dhaqanka demuqraaddiyada ayaa ah in uu bulshada uga soo dhex baxo si xul ah, ninka ama gabadha doonaya/sa in ay hoggaamiye u noqodo/to ummaddooda, ayaa loo raadiyaa dhalliil amma ceeb uu noloshiisa soo maray. Aqoonta uu qofkaasi leeyahay iyo jaamacadaha uu ka soo baxay ayaa iyana tirada loogu daraa. Shakhsiyaddiisa hoggaamineed iyo aragtiyadiisa isbeddel ayaa iyana aad wax looga weydiiyaaa.
Shacabkuna waxa ay had iyo jeer saxaafadda ka dheehdaan, afkaarta iyo danta ay xisbiyadu hiigsanayaan ee ay mujtamacooda u soo wadaan. Nolosha iyo dhaqaalaha ayaa iyaduna ah meelaha dareenka badan leh. Adeegga bulshada sida caafimaadka iyo waxbarashada ayaa sidoo kale ahmiyad la siiyaan. Cashuurta shaqaalaha iyo shirkaduhu ay bixiyaan ayaa iyaduna ah mid lagu soo kala jiito codka mujtamaca.
Qabiil iyo gobol ayaan sheekada ugu jirin. Dad dan gaar leh oo u xusul duubaya in ay dawladda ka faa’iidaystaan ayaan iyana meesha ku jirin.
Haddaba bal aan daawanno dooddan, uu wariyaha khabiirka ahi la yeeshay siyaasiyiintan tartanka adagi ka horreeyo.
Awdalpress





