Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Saddexda xisbi Qaran ee Somaliland hoggaamiyayaashoodu ma ku dayan doonaan hoggaamiyayaasha xisbiyada UK

$
0
0

MAQAAL11Marka ugu horreysa waxan shacabka S/land & saxaafaddaba ku salamayaa salaanta Islaamka ASCW. Intaa Ka dib,  waxaan qalinka u holladay in aan fikirkayga ka dhiibto doorashadii ka dhacday dalka UK oo aan is leeyahay waxa ay cashar fiican u noqon doontaa hoggaamiyaasha saddexda Xisbi Qaran ee Jamhuuriyada S/land.

 

 

Sida aad kawada warqabtaan waxa maalmahanba socday doorashadii waddanka UK iyo hadal haynteedii. Waxana maalintii Khamiistii oo ay taariikhdu ahayd 07/05/15 loo dareeray cod bixintii, habeennimadiina waxa lagu dhawaaqay natiijadii. Mana jirin muran iyo buuq dhex yimid xisbiyadii tartamayey, xisbigii helayna aad ayaa xisbiyadii kale ugu hambalyeeyeen guusha guusha uu helay.

Waxa tartanka ka qayb galayay xisbiyo badan waxanse ka soo qaadanaya xisbiyada ugu awoodda badan oo kala ahaa Conservative,Labour,Liberal,Ukip.
Shacabka reer Britain ama dadka siyaasadda ka faalloodaa waxa ay in badani saadaaliyeen in aan wax badan lagu kala badin doonin ama ay barbardhac noqon doonaan xisbiyadu. Iyadoo waliba shacabku in badani ay odhan jireen waxaan u baahannahay is bedel, Isbedelkuna aanu ognahay in uu yahay ka keena horumarka ay ummaddu jeceshahay. Hase yeeshee markii lagu dhawaaqay Natiijadii doorashada waxa isla markiiba la hambalyeeyey hoggaamiyaha xilligan talada gacanta ku haya Mudane David Cameron oo mar labaad ku guulaystay in uu sii fadhiyo Xafiiska 5 ta sano ee socota.

 

Dhammaan Xisbiyadii kale iyaga oo taageerayashoodii xisbiga u sheegay in ay ka xun yihiin sida guuldaradu u soo gaadhay Hogaamiye kastaana uu dusha ku qaatay guuldarada Xisbiga soo gaadhay. Waxa haddana ku dayasho & Xusid Mudan sida ay u hambalyeeyeen xisbiga Jamhuuriga ee ku guulaystay.Tallaabada xigtay ee ay hoggaamiyaashii guul darraystay ay qaadeenna  waxa ay noqotay in ay markiiba xilkii banneeyeen ama is casileen, sida Ed Miliband oo ahaa hoggaamiyihii xisbiga Labourka , Nick Clegg oo ahaa hogaamiyihii Xisbiga liberal-ka iyo Nigel Farage oo ahaa Hoggaamiyihi Xisbiga UKip .(Con 331,Lab 232,LD,8,Ukip,Snp,56,Oth,23). Taasi waxa ay dariiqa u jeexaysaa  ama ay fursad siinaysaa in xisbi walliba uu soo dooran doono hoggaamiye cusub oo dar dartiisa qaba, oo la is leeyahay waxa uu iibsami karaa xisbiga ama isbeddel ayuu keeni doonaa.

 

Haddaba markii dalka S/land aan doorashooyinkiisa dib u eegno illaa iyo wakhtigii xisbiyada saddexda ah ee tartamayaa  ay ka hano qaadeen iyo sida ay ula tallaabasadeen habka dimuqraaddiga ah ee xisbiyada badan, oo wakhtigii ay dalka ka curteen ay ahayd sannadkii 2000 intii ka danbeyseyna lagu guulaystay in ay doorashooyin ka hirgalaan dalka. Habkaas oo aynu islahayn waxaynu ku gaadhi doona sidan ay caalamka horumaray isku dooranayaan. Laakiin nasiib darro aan weli la gaadhin. Dhibtuna ay ka taagan tahay in seddexdii xisbi Qaran ee waddanka ka unkamay weli hoggaamiyayaal u yihiin ninkii asaasay,  ( tusaalena waxa inoogu filan Xisbiga Kulmiye sidii loo sameeyey waxa Gudoomiye ka ahaa Mudane Ahmed Maxuud Siilaanyo ilaa intu Madaxwene Ka noqonayay . Ka dibna waxa uu wareejiyay markii uu ku guulaystay Xilka Madaxweynimada Jamhuuriyadda S/land ).

 

Xisbiga UCID oo ah  xisbi kolka da’ tirsaday,  sidii loo yaglleelay illaa iyo maanta uu Guddoomiye ka yahay Mudane Faisal Cali Waraabe oo laba jeer u tartamay Jagada Mataxtinimada ilaa haddana ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Xisbiga Ucid, Xisbigii UDUB waxa Hogaamiye ka ahaa Ilaahay Naxariistii Jano ha Ka waraabiyee Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal oo ahaa Madaxweynihii S/land . Geeridiisa Ka dib waxa hogaanki Xisbiga la wareegay Madaxweyniihi S/land Mudane Daahir Riyaale kaahin ilaa intuu baabayayna ahaa Gudoomiyiha Xisbiga Udub.Waxaan Maqaalkayga ku soo afmeerayaa su’aasha ah; Hogaamiyayaash Saddexda Xisbi Qaran ama Musharaxiintoodu ma iska Casili doonan xilka xibiga ay matilaan ama hayaan haddii ay ku guul daraystaan in ay guul u soo hoyn waayaan Xisbigooda & taageerayashoodaba? Musharaxa Xisbiga Kulmiye Madaxweynaha Talada haya Mudane Madaxweyne Ahmed Maxamuud Siilaanyo ,Musharaxa Xisbiga Ucid Mudane Jamal Cali Xuseen, musharaxa Xisbiga Waddani Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi( Ciro).

Mustafa Ismail Ahmed

UK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images