INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.
Halkan waxa tacsi tiiraanyo leh ka diraya reer Sh. Omer Goth, oo ay u diraya eheladii iyo qaraabadii oo ay ugu horreeyaan carruurtii uu ka baxay Marxuum Maxamed Xaamud Sheekh Jaamac, oo maanta si mawtul qafla ah ugu geeriyooday magaalada Muqdisho oo uu ku sugnaa labadii sano ee ugu danbeysey.
Marxuum Maxamed Xaamud ahaa nin aqoon yahan ah, edeb iyo akhlaaq badnaa. Ayaa waxa u timid geeri kadis ah oo dhammaanba ka nixisay ehel iyo asxaabba. Waxanan Ilaahay uga baryeynaa in uu Jannadii ka waraabiyo. Reerkiisii iyo carruurtiisiina uu samir iyo iimaan ka siiyo.
Aammiin