Awdalpress – Kampala -vSarkaal ka tirsan ciidammada dalka Uganda, ayaa habeennidamadii Khamiistii Degmada Kaabong ee dalka Uganda ku dilay afar qof oo shacab ah, isaguna markii dambe is-dilay.
Ciidammada dalka Uganda ayaa xaqiijiyay in Sarkaal ka tirsan Ciidammadoodu uu dilay afar ruux oo shacab ah, isla markaana uu dhaawacay toddoba qof oo kale, ka hor intii aanu is-dilin. Iyagoo sheegay in falkan uu ka dhacay deegaan ku yaalla Waqooyiga Uganda.
Saraakiisha ciidamada ka tirsani may sheegin sababta keentay in sarkaalkani uu dilkan geysto, iyada oo falkan ay walaac xooggan ka muujiyeen shacabka dalkaas ku nool.
Dalka Uganda waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay falal noocan oo kale ah. Kuwaasi oo ka dhacay baararka dalkaas ku yaalla, waxaana falkii ugu horreeyay uu dhacay sannadkii 2013-kii, kaddib markii sarkaal ciidammada ka tirsani uu dilay 10 ruux oo rayid ah. Waxaana lagu xukumay sarkaalkaas 90-sano oo xabsi ah.
Xukuumadda Uganda ayaa lagu eedeeyay in aanay ciidammadeeda siin la-talin ku filan, marka ay ka soo laabtaan dalalka ay dagaalladu ka dhacaan oo ay howlgallo ugu dirto dowladdoodu.
Uganda ayaa ciidammo kaga sugan yihiin dalalka Somalia, Koonfurta Suudaan, DR Congo iyo Jamhuuriyada Afrika dhexe, kuwaasi oo sannado ku sugnaa waddammadaasi oo ay colaado ka socdaan.
Awdalpress