Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Tira koobka beenta ah ee dawladda Somaliya sheegtay in ay ka sameeyeen siddeeddii gobol ee ay Somalia ka koobnayd. ( Dhegeyso Cayte iyo Ahmedweli Goth oo arrintaa isku khilaafsan).

$
0
0

breaking-news1Awdalpress – London – Waxa maanta uu wasiirka qorshaynta Somalia waraysi siiyey uu siiyey BBC da laanta afka Somaliga ku sheegay in ay sameeyeen tiro koob si cilmiyeysan ay uga hawl galeen. Sida aad warka wasiirka ku maqli doontaanna, waxa uu sheegay in ay hawl galiyeen 4000 oo qof, sidoo kale in ay adeegsadeen satalaytka.

Warka noocan oo ah mid lagu qoslo, ayaa ka cadhaysiiyey gobollo badan oo Somaliya iyo Somalilandba ku yaalla. Waxase aan shaki ku jirin ay dawladda Muqdisho ay lacag raadintii la gashay in ay mashruucan mala awaalka ah sadaqo ku raadsadaan.

Marka been abuurka noocan ah ay xukuumadda Somalia la shir timid, waxa muwaaddinka ay khusayso waa jib ku ah in ay beeniyaan. Si cadna uga hor tagaan. Sidaasina waxa markiiba ku tallaabsaday maamul goboleedka Puntland oo ay hoggaamiyaan madax aad u indho furan.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles