Xaaladaha caafimaad ee qofka bani’aadamka ahi ka cawdo ayey ka mid tahay Galmada oo uu tahli waayo ama uu isku dhalliilo. Dumarka iyo ragguna way ku kala geddisan yihiin. Labadana waxa daran ragga, oo marka xubinta taranku uu ka awood yareeyo. Arrintani malaha da’ u gaar ah waxana keeni kara Vitaminnada jidhka oo yaraada, amma waxyaalo kale.
Haddaba culimada aqoonta caafimaadka ku xeel dheer ayaa talooyin ka bixiya siyaalaha arrimaha noocan ah loola xaalo marka uu qofku wajaho.
Sideedaba Galmadu waa shaqooyinka Ilaahay u soo dajiyey in lagu tarmo, haddii aanay jirinna malaha maba suurto gasheen. Laakiin haddana waxan ognahay in ay geeduhuba tarmaan, oo malaha sidaa si la mid ah ayaaba iman lahayd. Ilaah baa garan. Dadka isguursaday ayaa hela Dareen naftu ubaahan tahay, dareenkaasina waxa ay u maraan dariiqadda galmada oo ah mid aad u mirqaan iyo macaan badan.
Soomaalida oo badankeedu ka xishooto in ay arrimaha galmada iyo wax la mid ah ay ka hadlaan, ayaa dadka qaar ku tilmaamaan in ay wakhtiyada qaar daciif ka yihiin Awoodaha Galmada, sida ay ummadaha kaleba uga dhacda. Waxana la arkay in aanay si fiican u laasimin waxyaabaha lagu kordhiyo awooda Galmada waxana wax yaabaha xoojiya kamid ah sida la sheego, Basashada gaduudan , toonta , cinab-ka iyo khudaarta soo deysa dheecaanka astragous” iyo khudaarta leh Vitamin (A). Hilibka cas iyo Kalluunka ayaa iyana ka mid ah.
Ogaw saliida beerka kaluunka ayaa ah muhiim oo si weyn sara ugu qaada awooda galmada ragga. Alaabta noocaasi ah waxad kale oo ka helaysaa iyada oo ku jirta Capsules dabiici ah oo laga helo Farmasiiyada, iyadoo dhakhaatiirta ku taliyeen in si weyn loo isticmaalo .
Dhanka haweenka ayaa lagu waramay in dareen xoogan oo galmo ay dareemaan marka ay cunaan yaanyada(Tamaato) taasi oo caydhiin ah oo aan la kar-karin. Ragga iyo dumarkaba waa u muhiim in ay dhakhtarka tagaan oo aanay ka xishoon in ay sheegtaan haddii ay cilladda galmada ka cabanayaan.
Galmadu waa raaxo qof walba u baahan yahay oo aan laga gaboobin. Haddaba ha moogaan in aad talooyinkaa qaadato.
Awdalpress.com