Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Ahlu Sunna: Horjoogeyaal ayaan ka dilnay Shabaab

$
0
0

newsAwdalpress(Gedo) 17 May, 13–Maamulka Ahlu Sunna ee gobolka Gedo ayaa sheegay in dagaal shalay galinkii dambe ka dhacay agagaarka deegaanka Tuulo-Barwaaqo ee gobolka ay maleeshiyada al-Shabaab kaga dileen 12 ruux oo ay ku jiraan laba horjooge.

Afhayeenka Ahlu Sunna ee gobolka Gedo Sheekh Maxamed Xuseen Isxaaq (al-Qaaddi) ayaa Bar-kulan u sheegay in horjoogeyaasha dagaalka lagu dilay uu midi ahaa ajnibi, halka kan kale oo uu xusay inuu Soomaali ahaa ay meydkiisa qoorta ka jareen, si aan loo aqoonsan.

Waxaa uu tilmaamay in sidoo kale ay ka qabsadeen deegaanno badan oo ka tirsan gobolka, isagoo intaa ku daray inay sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Shabaab.

Al-Qaaddi ayaa shacabka ugu baaqay inay soo sheegaan haddii maleeshiyaad firxad ah ay ku dhex dhuuntaan.

RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles