Awdalpress – London – Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, C/salaam Xaaji Hadliye oo ku sugan Magaalada Johannesberg ee wadanka Koonfur Afrika oo uu ka socdo Shir madaxeedka 25-aad ee Midowga Afrika ayaa sheegay in ajandaha shirka ugu weyni uu yahay sidii wax looga qaban lahaa horumarinta xaaladaha nololeed ee haweenka Afrika iyo sidii looga qaybgelin lahaa doorka siyaasadda ee Qaaradda.
Hadliye ayaa intaas raaciyay in dowladda Somalia ay la kulmi doonaan dalalka ay ciidammadu ka joogaan Somalia, sidoo kalana ay la kulmi doonaan Dalalka ay danaha Siyaasadeed ka leeyihiin, waxana uu xusay in madaxweynaha Somalia uu iman doono Maalinta Sabtida ah ee berri uuna la kulmi doono madaxda Afrika.
Sidoo kale, Wasiir Hadliye oo la weydiiyay Qaabka ay u wajihi doonaan ka dowlad ahaan dhibaatooyinka ay Soomaalidu kala Kulmaan Waddankan Koonfur Afrika, ayaa Sheegay inaysan marnaba u dulqaadan doonin in dhibaato loo geysto Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Koonfur Afrika. Arrintaasina ay kala hadli doonaan cidda ay khuseyso, Si aan cadna waxa uu u tibaaxay in aamau bulshada Soomaaliyeed halkan u imaan inay fursadaha Koonfur Afrikaanka qaataan, laakiinse ay u yimaadeen inay maal-gashtaan kuna noolaadaan, xukuumadda iyo Shacabka Koonfur Afrika waxaa laga doonayo inay caddeeyaan qaabka loola noolaanayo dalkoodana loo maal-gashan karo, balse aanay ahayn inay dil iyo boob u geystaan dadka Somaliyeed.
Ugu dambeyn, Shirka Midowga Afrika ee Sannadkan ayaa ku soo beegmaya xilli waddamo badan oo Afrikaan ah ay ka xumaadeen dhibaatooyinkii dalka Koonfur Afrika loogu geysto dadka ajaanibta ha oo ay Soomaalidu ku jirto.
Awdalpress