“Waxaa I af-duubtay Wiilal dhallinyaro ah, kuwaasoo Ciqaab Adag ii geystay… Waxanan aad ula yaabi jiray inay mar walba i garaaci jireen, kufsina igula kici jireen,” ayay tidhi Amanda Lindhout oo saxaafadda la hadashay markii ay dalkeeda ku laabatay.
Awdalpress – London – Booliiska Magaalada Ottawa ee Dalka Canada ayaa maalintii Khamiistii ee shalay qabtay nin Soomaaliyeed oo lagu eedeeyay inuu ku lug lahaa Afduubkii Sannadkii 2008 Muqdisho loogu geystay laba wariye oo ay ku jirtay Suxufiyad u dhalatay dalka Canada.
Ninkan Soomaaliga ah ee oo immiga xidhan ayaa lagu magacaabaa Cali Cumar Adeer, waxana loo haystaa inuu qayb ku lahaa afduubkii Amanda Lindhout oo u dhalatay Canada iyo Sawir-qaade ay isla shaqeynayeen oo lagu magacaabo, Nigel Brennan una dhashay dalka Asutralia.
“Adeer wuxuu ahaa qofkii waday Wadahadalladii Madaxfurashada lacageed ee lagu siiyay kooxihii haystay Lindhout iyo Brennan, tallaabadaas oo ah mid sharciga dalka Canada ka horimaanaysa,” ayuu yidhi Kaaliyaha Taliyaha Booliiska dalka Canada James Malizia.
Labadaan suxufi ayaa la sii daayay bishii November ee Sannadkii 2009-kii, kaddib markii laga Qaatay Lacag madax-furasho ahayd oo gaaraysay 700,0000 oo doollar, sida ay sheegeen kooxihii Afduubka u haystay iyo Wariyeyaasha sii-dayntooda kaddib.
“Baaritaanka lagu soo qabtay ninkan Somaliga ah ( Adeer ) wuxuu socday muddo toddoba sano ah, waxaana iska kaashaday ciidammada ka hortagga dambiyada Canada iyo booliiska Australia,” ayuu mar kale yidhi James Malizia oo wariyeyaasha kula hadlayay Ottawa maanta oo Jimca ah.
Suxufiyadda Reer Canada ayaa sheegtay in kooxaha Afduubka ku haystay ay hal sano oo xiriir ah ku hayeen dhibaatooyin, kuwaasoo ay ka mid yihiin, jiridil, kufsi iyo ciqaab kale, iyada oo sababta Dhibaatooyinkaas loogu geysanayayna ku sheegtay inay ahayd in Madax-furasho laga bixiyo.
“Waxaa I af-duubtay Wiilal dhallinyaro ah, kuwaasoo Ciqaab Adag ii geystay… Waxanan aad ula yaabi jiray inay mar walba i garaaci jireen, kufsina igula kici jireen,” ayay tidhi Amanda Lindhout oo saxaafadda la hadashay markii ay dalkeeda ku laabatay.
Cali Cumar Adeer ayaa la hor-geyn doonaa Maxkamadda Federaalka dalka Canada si wax looga weydiiyo dambiga lagu eedeeyay ee ah inuu ku lug lahaa Afduubkii labada wariye ee Lindhouth iyo Brennan, xilli ay doonayeen inay warbixinno ka soo tabiyaan dhibaatadii ka jirtay Soomaaliya.
“Xariga Adeer waa tallaabo wanaagsan oo laga soo hoyay baaritaannadii sannadaha badan socday… waxaan Rajeynayaa in kooxda Baaritaankaan waday Hawsha ay Qabteen Mahad looga celiyo,” ayuu hadalkiisa ku daray Malizia.
Ugu dambeyn, Adeer ayaa noqonaya kii ugu Horreeyay oo loo xiro Afduubkii Wariyeyaal Ajnabi ah loogu geystay gudaha Somalia sannadihii lasoo dhaafay; inkastoo aanay caddeyn tallaabada ay xukuumadda Canada ka Qaadan doonto haddii uu dambiga lagu eedeeyay ku cadaado.
Awdalpress