Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Britain oo £14m ku bixineysa dayactirka Xabsiga Dhexe ee Xamar

$
0
0

britain-flagAwdalpress(Muqdisho) 23 Jun, 13–Britain waxay ku kharash gareyneysaa lacag dhan £14 million dhismaha xabsi la doonayo in lagu xiro argagixisada iyo burcad badeedda, sida uu qoray wargeyska The Sun ee ka soo baxa London.

Lacagta waxaa kaloo lagu maalgelin doonaa dhisidda maxkamado lagu qaado dambiyada.

Dayactirka iyo dib u howlgelinta Xabsiga Dhexe ee Xamar wuxuu kaloo u sahli doonaa Britain inay dalkeeda ka masaafuriso dambiilayaasha iyo dadka looga shakiyo inay xiriir la leeyihiin kooxaha argagixisada ee ka soo jeeda Soomaaliya.

In ka badan 400 oo dambiilayaal Soomaali ah ayaa ku jira xabsiyada UK maxaa yeellay ma jiraan xabsiyo ku yaalla dalkooda oo ay ku qaadan karaan waqtigooda.

Xog-hayaha Horumarka Caalamiga ee Britain, Justine Greening ayaa sheegtay in lacagta lagu kharash gareyn doono dayactirka iyo dib u dhisidda xasbiga dhexe ee Xamar oo 180 jir ah, kaas oo la sheegay in uu qaadi karo 700 oo maxaabiis.

Ms Greening waxay tiri: “Dhismaha xabsiyo iyo maxkamado laga dhiso Soomaaliya, waxaan ka caawin karnaa xulufadeenna Afrikaanka ah inay la tacaalaan dambiyada iyo argagaxisada uga imaanaya Soomaaliya.”

RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles