Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wasiirka qorsheynta Somaliland oo dhallinyarada uga digay tahriibka

$
0
0

newsAwdalpress(Hargaysa) 23 Jun, 13–Wasiirka qorsheynta ee Somaliland Sacad Cali Shire ayaa uga digay dhallinyarada dhibaatada tahriibka iyo khatarta naftooda ay galeyso.

Wasiirka oo la hadlayay saxaafadda ayaa dhallinyarada Somaliland ugu baaqay in ay dhulkooda aaminaan oo ay ka dhur sugaan fursadaha shaqo oo ay ka heli karaan Somaliland.

Wasiirka qorsheynta ee Somaliland Sacad Cali Shire oo ka hadlayay shaqo la’aanta ka jirta Somaliland ayaa sheegay in ay ku khasabtay dhallinyaro badan in ay badaha galaan oo ay tahriibaan taasoo uu sheegay in ay keentay in qaarkood hammigooda aysan gaarin oo ay badaha iyo saxaraha ku dhintaan.

Maamulka Somaliland ayaa maalmahan wada doodo iyo shirar looga hadlayo dhibaatooyinka shaqo la’aanta ee ka jirta Somaliland iyo qaabkii ay dhallinyarada u heli lahaayeen fursado shaqo.

RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles