Awdalpress–(Muqdisho) 24 Jun, 2015—In kabadan 10 qof ayaa ku dhimatay, tiro kalena way ku dhaawacantay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho.
Qaraxa oo ahaa is-miidaamin ayaa lala beegsaday danjiraha imaaraadka carabta u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Al Cusmaani iyo saraakiil kale oo ka tirsan safaaradda.
Diblomaasiyiinta lala eegtay qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inay gabi ahaantoodba badbaadeen.
Goobjoogeyaal ayaa Bar-kulan u sheegay in dadka ku dhintay qaraxa ay u badnaayeen shacab, ayna tiradoodu sii kordhi karto.
Qaraxa ayaa imaanaya toddobaad kaddib, markii uu magaalada Muqdisho booqday wasiirka arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta.
RBK