Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Shirkadda SHABA ma geydo Dhaleecayn aan ku salaysnayn Xaqiiqo Cilmiyaysan, ee waxa ay Mudan tahay In La guddoonsiiyo Bilad Dahab Ah.

$
0
0

Image

Taariikhdu waa mudan, waa jire markhaati ah oo ka marag kaca guulaha iyo guul darooyinka ay aadamuhu ku soo kordhiyaan dunida, hadaba Shirkada Adeega Biyaha Awdal ee magaceeda loo soo gaabiyo SHABA oo ah shirkad la aasaasay badhtamihii sanadkii 2003 ayaa ah mid taariikhdu xustay wax qabadkeeda iyada oo ku sifowday adeeg wanaag dhinaca biyaha ah iyada oo ay marag ma doon tahay inay Boorama ka haqab tirtay baahidii dhinaca Biyaha ahayd ee magaalada haysatay sanadihii 90aadkii.

 

Ka hor aasaaskii shirkada SHABA, Boorama waxa ay ahayd meel ay biyo la’aantu sal dhigatay isla markaana lagu xusuusto booyado biyaha lagu dhaamiyo iyo dadka oo caagado waawayn iyo foostooyin hor dhigi jiray guryaha hortooda si ay biyo u helaan, iyada oo biyaha la cabi jiray ay ahaayeen kuwo lagu soo dhaameiyay ceelasha afka furan eek u yaala dooxyada isla markaana caafimaad ahaan aanan marar badan wanaagsanaan jirin.

 

Waxa ay ahayd sanadkii 2003 markii laga midho dhaliyay shirar kala duwan oo ay yeesheen aqoonyahano, ganacsato iyo masuuliyiintii dawlada ee waqtigaas oo ay wehelinayeen oday dhaqameedyo isla markaana lagu heshiiyay in shirkada SHABA lagu wareejiyo biyaha Boorama si loo soo afjaro biyo la’aantii silica iyo saxariirta baday dad badan oo reer Boorama ah, isla markaana SHABA ay wacad ku martay inay maarayso ilaha biyaha ee Boorama si ay dadku ugu haqab beelaan biyaha oo ah aasaaska koowaad ee nolosha.

Aasaaskii Shirkada SHABA ayaa ahaa mid loo soo wada ban dhigay ganacsatada reer Boorama iyada oo ujeedadu ahayd in la muujiyo in dadku u siman yihiin shirkada isla markaana la dhiiri galiyo in ganacsatadu ay hormuud u noqoto haqab tirka baahida biyaha ee Boorama oo waqtigaas u muuqatay mid u baahan in la badbaadiyo, iyadoo shurduud laga dhigay in lacag dhan 150 kun oo doolar la dhigo Dahabshiil.

 

Bilawgii waxa dalbaday inay saamiyadaas ka qayb qaataan 73 qof oo ganacsato ahaa, waxana taariikhdu xustay in ganacsato badan oo reer Boorama ah oomarkii hore ogolaaday ay dib uga gurteen in ay hantidooda galiyaan SHABA, ganacsatadaas shikiga ka muujisay maalgashiga SHABA oo ay tiradoodu dhanayd 64 qof ayaa waxa loo aanayn karaa inay dib u gurtaan maadaama oo ay ku kalsoonaan waayeen inay shirkaddu noqonayso mid midho dhalaysa waqtiga fog iyo in kale, hindisahaas maalgalinta biyaha Boramana uu ula muuqday mid KHAMAAR ah.

 

Ganacsato kooban oo aan maanta ku masali karo inay ahaayeen kuwo halgan u galay in Boorama biyo hesho oo ay ka badbaado baahidii biyaha ee halista ahayd ee magaalada haysatay ayaa noqday kuwo ku adkaystay inay dantooda ka hor mariyaan danta bulshada isla markaana ay hantidooda u huraan bulshada reer Boorama iyaga muujiyay niyad wanaag, calool adayg iyo talo saarasho Eebe.

 

SHABA waa shirkadd wadaag ah oo saddex gees ah; dawladda oo laba dhinac ah (Dawladda Hoose Borama & Wasaaradda Biyaha JSL) & Shirkadda SHABA, shirkaddani wadaaga ahi waxay ku dhisan tahay heshiis dhex marey Dawladda & SHABA BOD ( guddi ka wakiila Saamilaydda shirkadda), heshiiskaasi oo qeexaya wixii xaq ama xuquuq lagu lee yahay dhinac kasta, heshiiskani oo afka qalaad loogu yeedho (Lease Agreement), hadaba ninka ka hadlaya ama doonaya inuu wax ka sheego habdhaqanka shirkadda waxaan kula talin lahaa in uu marka hore akhriyo heshiiskaasi, haddii aa tusaale yar ka soo qaadano waxyaabaha ugu mihiimsan ee heshiis kaasi dhigayo waxaa ka mid ah:

 

* In Qiimaha iibka biyaha ama sixirka biyaha ay goyn karaan keliya marka ay isla ogolaadaan saddexda dhinac, ee aanay SHABA oo keli ahi aanay siday doonto u dhigin.

* In dhamaan agabka Biyaha ee ay shirkaddu isticmaasho loo dhigo lacag dhigaala (Depreciation) si marka ay duugoobaan agabkaasi kuwo cusub loogu soo iibiyo.

iyo qodobo kale oo aad u fara badan, iwm

 

Hadaba ninka u haysta in SHABA ay qandaraas madax banana oo u ogolaanaya inay sida ay doonto ugu tagrifasho hantida ay ummadda uga mas’uulka yihiin ku haysato, taasi majirto mana jri doonto.

 

Markaan u soo noqono hoos ama habka maamulka gudaha ee SHABA waa shirakadda keliya eel eh nidaam cadaalad ku salaysam oo ay ku shaqalysiisato shaqaalaha cusub ee ay qaadaneyso ama shaqaaleysiisanayso, SHABA waa shirkadd is ka ilaalisa ama dhowrta xuquuqda shaqaalaha, qofkasta oo shqaalaha ka mid ah marka uu shaqada ka tago ama uu dhinto wxuu lee yahay oo ay shirkaddu siisaa wixii xuquuq uu ku yeeshay mudaddaasi uu u shaqeynayey, xuquuqdaasi oo xisaabinteeda lagu saleeyey ta ay ku salaysan tahay shaqalaaha caalamku.

 

Toban sano kadib SHABA iyo masuuliyiinteedii mudadii gurmadka loo baahnaa u gurmaday dadka reer Boorama waxa ay ka dhiseen shirkad dhinacyo badan ka dabooshay adeega bulshada Awdal ee dhinaca biyaha iyo adeega bulshada ee kaleba, waxana marag madoon ah oo u baahan in dib loo xuso wax yaabaha ay qabteen ee ay bulshada ku soo kordhiyeen kuwaas oo kala ah:

 

1. Inay SHABA dhistay hab iyo hanaan hufan oo biyaha Boorama lagu maamulo, suura galisayna in habka ay u socdaan hawl maalmeedka biyaha Boorama uu noqdo mid aan daqiiqad kaliya isataagin maadaama oo ay biyuhu yihiin baahida kaliya ee aanay aadamuhu ka maarmi karin daqiiqad kaliya

2. Inay SHABA dadweynaha Boorama ka haqab tirtay baahida dhinaca biyaha ah, iyadoo suura galisay in meesha ay ka baxaan booyadihii iyo kiyoosyadii laga dhaansan jiray biyaha, guri kasta oo Boorama ku yaalana ay u sahlanaatay in biyo galin lagu sameeyo.

3. Inay SHABA dayactir joogta ah ku samayso ceelasha biyaha ee jiray isla markaana dadaal xoogan u gashay sahanka biyo mustaqbalka ah iyo maalgalin lagu sameeyo qodida ceel cusub oo ay magaaladu ka cabto

4. Inay SHABA noqotay cashuur bixiye ku dayasho mudan oo si ay ka muuqato muwaadino u bixiso cashuur badan oo xaq ay ugu yeelatay xukuumada Somaliland.

5. Inay SHABA kaalin muuqata ka qaadatay kobcinta aqoonta mandaqadan iyada oo ku deeqday lacag miisaaniyad ah oo ay hesho Jaamacadda Camuud tan iyo aasaaskeedii, lacagtaas oo si joogto ah ay Jaamacadu u hesho si loo sii tayeeyo waxbarashada.

6. Inay SHABA ka qayb qaadatay bixinta qaadhdhaamada kala duwan ee loogu deeqayo dhismaha jidadka Awdal ee baryahan dambe sida xawliga ah u socda, iyada oo shirkadu u aragta taageerida dhismayaasha jidadka talaabo dhinaca togan ah oo loo qaaday hormarka.

7. Inay SHABA dalka Somaliland oo dhan u noqotay tusaale ku dayasho mudan oo laga soo dheeganayo hanaanka maamulka biyaha ah iyo ka faaiidaysiga khayraadka biyaha ee tirada yar iyada oo waayo aragnimadeeda la waadaysa kolba meesha ay baahi dhinaca biyaha ahi ka jirto ee dalka oo dhan

8. Inay SHABA bixisay tababaro iyo cashaqo aqoon korodhsi ah oo la siiyay degmooyinka gobolka gaar ahaan Lughaya iyo Saylac oo ku hamiyay inay u guntadaan sidii ay uga bixi lahaayeen biyo yaraanta haysata isla markaana ay ugu dayan lahaateen, hanaanka laxisaabtanka iyo sal-cadaantaku dhisan ee loo maareeyo biyaha.

9. Inay SHABA suura galisay in Boorama ay noqoto meel marka uu muwaadinka reer Somaliland xasuusto biyo ay niyada kaga soo dhacdo Boorama, oo marar badan ay u baxday halhays odhanaya “DADKEEDU WAXA AY KU MAYDHAAN LABADA GACMOOD” kaasi oo xikmada ku jirta ee ka dambaysaa ay tahay in la qiray in SHABA ay habeeniyo maalin u soo jeedo sidii ay dadkeedu uga haqab-beeli lahaayeen baahida dhinaca biyaha ah.

 

Si kastaba ha ahaatee SHABA waa ILAYS IYO IFTIIN u bildhaamay dadka reer Boorama loona baahan yahay in la sii SHIDO lagana dhawro HANTAAQADA IYO DIBIN DAABYADDA, iyada oo ay waajib tahay in Eebe loogu shukriyo sida uu bilshadan reer Awdal ugu soo diray bahda SHABA ee hogaanka haysa isaga oo EEBE WAYNE ku ilhaamiyay inay gartaan meesha baahidu ka jirto noqdaana kuwo u guntada sidii ay u gufayn lahaayeen, bulshadana uga dhigi lahaayeen mid ka baxda baahidii dhinaca biyaha ee jirtay.

 

Ugu Dambayntii waxa aan leeyahay qofka shalay shilinkiisa u quudhi waayay inuu bulshada ku badbaadiyo maanta waxba ma soo sidide ka daa oof wareenka, SHABA iyo Masuuliyiinteeda maalintii loo baahnaa  u gurmaday ummaddooda ee ku sifoobay muwaadinka dhabta isla markaana ay taariikhda been ma sheegtada ahi qortay waxqabadkooda.

 

Abdirashid Mohamed Abdi-Bacad


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles