Qaahira ( Awdalpress) Xeer Ilaaliyihii guud ee wadankaas Masaardia oo la odhan jiray Hishaam Barakaad ayaa dil khaaris ah ku dhintey ka dib markii shalay isaga oo gurigiisa ka soo baxaya qarax lala beegsday kaasi oo sababay dhaawac xun ilsma markaana uu xalay ugu geeridyooday dhaawacaas soo gaadhay.
Hishaam Barakaad waxaa xeer Ilaaliye laga dhigay ka dib markii ciidanka Masar ay afgambiyeen madaxweynihii sida xorta ah loo soo doortey Maxamed Mursi sandkii 2013kii, waxaanu Barakaad ahaa ninkii xukumay in isku soo baxyadii inqilaabka lagag soo horjeeday ee Raabica Cadwiyaha iyo Nahda xoog lagu kala kaxeeyo xalkaas oo kumaan dad ihi ku dhinteen, waxa uu kumaan ururka Akhwaanul Muslimiinta ah u direy maxakamada dabiyada ee sare taasi oo boqolaal ku xukumtay Dil.
ilaa hada cidi ma sheegan dilka ninkan isma gumaadka gaysatey, madaxtooyada Masaariduna waxa ay farta ku fiiqday in Akhwaanku ka danbeeyeen, laakiin qoraal ay barta ay Face Book ku leeyihin ay ku baahiyeen waxa ay sheegeen in aanay iyagu adeegsan dilal iyo xoog midna.
Xeer ilaaliyahan ayaa noqonaya sarkaalkii ugu saareeyey ee laga dilo xukuumada Masar tan iyo Inqilaabkii Milatariga.
Xasan Ciise
Free Lance Journalist