Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Puntland oo ku gooddiyeysa in ay bur buriso maamulka Galmudug ee lagu soo dhisay shirkii Cadaado. ( Video )

$
0
0

Breaking_NewsAwdalpress – London – Wasiir ka tirsan maamulka Puntland ayaa sii xoojeyey weerarkii media-ha uu Madaxweynaha Puntland u mariyey maamulka lagu dhisay magaalada Cadaado. Waxana uu wasiirka Puntland ee maanta warsaxaafadeedka ka jeediyey magaalada Garawe uu si cad u yidhi, ” Annagu haddaan nahay dawladda Puntland waxan u aragnaa Maamulka Cadaado lagu dhoob dhoobay mid wax kama jiraan ah, oo loo dhistay in dagaallo sokeeye lagu abuuro”.

Dhawaqa noocan ah oo aan ahayn kii ugu horreeyey ee laga maqlo maamul goboleedka Puntland ayaa waxa uu abuurayaa xasaasiyad keenta khilaaf ammaanka waxyeello u geysata. Lamana garanayo sababta maamulka Puntland gaadhsiisay cadhada intaa le’eg.

Dhinaca kale Madaxweynaha loo doortay maamulka cusub ee Galmudug Abdirkarim Guled ayaa isagu sheegay in uu wada hadal la geli doono Puntland, isla markaana uu ka filayo wada shaqayn iyo daris wadaag. Balse, lama garanayo siyaasad kale oo intaa uu sheegay ka hoosaysa, oo laga maqlay siyaasiyiinta Galmudug.

Si kastaba ha ahaatee, waxa weli ay shacabka reer Galmudug ku guda jiraan, soo afjaridda khilaafka u dhexeeya siyaasiyiinta iyo kooxaha Alhu Sunna Wal Jamaaca ee maamulka kaga dhawaaqay Dhuusa mareeb iyo maamulkan lagu dhisay Cadaado.

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles