Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Musharraxa Jamal ALi Hussein oo aad u naqdiyey siyaasadda Ali Waran-cadde ( Video )

$
0
0

jamaal-cali-xuseenAwdalpress – Hargeysa – Musharraxa Madaxweynaha UCID Dr. Jamal Ali Hussein oo waraysi siiyey KalsanTV ayaa aad u naqadiyey wax uu ugu yeedhay siyaasad xumada Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Ali Waran-cadde. Waxana uu soo qaatay tallaabooyin aanay mas’uuliyadi ka muuqan oo uu wasiirku ku tallaabsaday.

Mudane Jamal ayaa ka hadlay amarka lagu xidhay Suldaan Muse oo uu ku sheegay nin qiima leh, oo aan geyin xadhig iyo dhibaabo. Waxa uu xidhiggaa ku eedeeyey wasiir waran cadde.

Wasiir Waran-cadde ayaa dhawaan amar ku bixiyey in qaxooti ka soo firxaday dagaallada Yaman in aanay Somaliland cagta soo saarin. Iyada oo qaxootigaa si aan fiicnayn loola dhaqmay, gaar ahaan dadka ka soo jeeda koonfurta Somalia. Sidoo kale waxa uu Jamal tusaale u soo qaatay, hanjabaadda iyo ammarada ay wasaaradaha kale iyo golayaashu leeyihiin ee uu maalin walba dikreetada ka soo saarayo.

Hadalladiisiina waxa ka mid ahaa.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles