Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Qarax khasaare geystay oo ka dhacay maanta xaafadda Karaan ee magaalada Moqdisho.

$
0
0

qaraxAwdalpress – Muqdisho – Waxaa maanta Qarax gaadhi lagu soo xidhay uu ka dhacay Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir, waxaana qaraxaasi oo sababay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo Dhaawac.

Inta la xaqiijiyay labo qof oo mid ka mid ahi ay haweeney ahayd ayaa ku dhintay Qaraxaasi, waxaa sidoo kale dhaawacyo kala duwani uu ka soo gaaray qaraxa afar qof oo kale oo ka agdhawaa halka uu qaraxu maanta ka dhacay.

Goobjooge ku sugnaa halka qaraxani ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in gaadhiga qaraxa lagu soo xidhay uu watay nin dhalinyaro ah oo dillaal ahaa,
Ciidamada ammaanka ee degmada Karaan ayaa qaraxa kadib goobtaasi soo gaadhay, waxana ay ciidammada halkaasi mudo kooban ka sameeyeen howlgalo ,  markii dambenna waxa si caadi ah ku soo laabatay xaalada goobtii uu qaraxu ka dhacay.
Qaraxyada gaadiidka loogu soo xiro dadka wata ayaa muddooyinkii dambe ku soo badanayey magaalada Muqdisho. Shalay ayey ahayd markii Degmada Xamar Jajab uu ka dhacay qarax gaarigiisa lagu soo xiray nin la sheegay in uu ka tirsanaa Ciidanka Nabad Sugidda Qaranka.

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles