Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Guddoomiye Abdirahman Cirro: Goorma ayaad guddoomiyenimada golaha Wakiillada Iska Casilaysaa? Marka uu Madaxweyne Siilaanyo Dikereeto ku soo saaro wakhtiga doorashada. ( Halkan ka daawo )

$
0
0

breaking-news1Awdalpress – Hargeysa – Guddoomiyaha golaha wakiillada isla markaana ah guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee Wadani Mudane Abdirahaman Abdillaahi Cirro, ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Hargeysa, kadib socdaal uu ku tegey magaalada Djabouti. Socdaalkaasi oo uu guddoomiyuhu ku sheegay mid shakhsi ah. Balse aanu wax faah faahin ah ka bixin.

Markii uu maddaarka Cigaal ka soo degey waxa uu waraysi siiyey saxaafadda madaxa bannaan. Ugu horreyna waxa uu ummadda Muslimiinta ah iyo shacabka Somaliland u diray salaanta iyo hambalyada ciidda. Kadibna waxa uu ka jawaabay su’aalo ay saxaafadda madaxa bannaani ay ka weydiisay su’aalo la xidhiidha mas’uuliyiin dhawaan iska casilay xilal ay u hayeen xisbiga Wadani iyo su’aal la xidhiidha goorta uu ka degayo xilka guddoomiyenimada golaha shacabka, sidan ayaanu u dhacay jawaabihii uu siiyey saxaafadda.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles