Awdalpress – Muqdisho – Hotel Jazeera oo sidan u egaa ayaa mar kaliya sidan hoose isku beddelay, kadib markii qarax aan caadi ahayn lala beegsaday.
Ugu yaraan Labaatameeyo qof ayaa ku geeriyooday tiro intaas ka badanna way ku Dhaawacmeen Weerar is-miidaamin ahaa oo Gellinkii dambe ee Maanta lala beegsaday Hotel Jaziira oo ku yaalla Waddada Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, iyadoo mas’uuliyadiisa ay sheegatay Al-shabaab.
Wararka hordhaca ah ee laga helayo Qaraxan ayaa Sheegaya in Gaari Waxyaabaha Qaraxa laga soo buuxiyay lagu dhuftay dhismaha Hoteelka oo ku dhow dhismaha ay deggen tahay Xarunta UNDP ee Muqdisho.
“Qarxa weyn ayaa lala beegsaday Hoteelka Jaziira, kaasoo dhismaha oo dan burbur xoogan u geystay; waxaana ku dhintay dad badan oo isugu jiray dadkii Hoteelka deggenaa iyo laba wiil oo Mooto watay, kuwaasoo weli ay maydadkoodu yaallaan meelihii ay ku dhinteen,” ayuu yiri Goob-jooge ku sugan meel ku dhow Hotel Jaziira.
Dhismaha Hoteelka ayaa burbur xooggan uu ka muuqdaa, sida aad ka Arkaysaan Sawirka wakeenna la socda, iyadoo Qaraxan loo Adeegsaday gaari kuwa Xamuulka ah oo Walxaha Qaraxa laga soo buuxiyay, iyadoo Qaraxan uu noqonayo kii ugu Horrreeya noociisa oo ka dhaca Muqdisho.
Sidoo kale, War ay soo saartay Al-shabaab ayay ku sheegtay inay iyadu mas’uul ka ahayd Weerarkan, iyagoo ku xusay warkooda in weerarkan uu aargudasho u yahay dad shacab ah oo ay sheegeen in ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM ay ku laayeen Gobollada Bay iyo Bakool ee Koonfurta Somalia
Ciidammo fara badan oo isugu jira kuwa dowladda ayaa xiray waddada Garoonka Aadan Cadde iyo Is-goyska KM-4 isku xira, iyadoo Dadka iyo Gaadiidka loo diiday inay maraan Waddada Aadda Garoonka Diyaaradaha Muqdisho; iyadoo xaaladdu ay aad u kacsan tahay xilligan.
Hotel Jaziira ayaa waxaa deggenaa xubno ka tirsan Dowladda Somalia, Safaaradaha laba waddan oo kala ah Imaaraadka Carabta iyo Qatar, waxaa kaloo deggenaa dublamaasiyiin caalami ah iyo weliba dad kala duwan oo Soomaali iyo Ajnabi ah.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ay maalmo ka hor kala Wareegeen Al-shabaab degmooyinka Diinsoor ee Gobolka Bay iyo Baardheere oo ka tirsan Gobolka Gedo.
Awdalpress